Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay tahay danta ugu jirta Somalida ku biirista Daladda Bulshada Bariga Afrika
    Somalia

    Maxay tahay danta ugu jirta Somalida ku biirista Daladda Bulshada Bariga Afrika

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 25, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Soomaaliya waxay xubin ka tahay QM, AU, IGAD, AL iyo OIC oo ah ururo mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay iskaaahi dhanka siyaasadda, nabadgelyada iyo horumarka. Daladda Bulshada Bariga Afrika waxa ay kaga duwan tahay in mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay dhaqaale iyo ganacsi, si taa loo xaqiijiyana ummadaha ku bahoobay daladda ay ka gudbaan caqabadaha isu socodka dadka, fikirka, adeegga, badeecada iyo raasumaalka.

    Soomaaliya maanta ma haysato afkaar, adeeg, iyo badeecad buuran oo ay suuq geyso, waxaase jira in aan hayno rasumaal uu dal weliba doonayo in aan ku maalgashano.

    Tusaale ahaan qof kasta ee Soomaali ah ee dakhligiisu kordho, wuxuu qoyskiisa dejiyaa Kenya, taasoo keentay in dabaqada dhexe (Middle Class)-ka Soomaalida ay badankood deggan yihiin Kenya, iyadoo maalgashiga ugu wayn ee dhismaha guryaha (Real State), uu haatan ka socdo Nairobi. Dabcan dawladaha kalana waxay daddaal ugu jiraan in aan rasumaalkeena ku maalgashano.

    Qofka Soomaaliga ah wuxuu ku farxayaa oo keli ah in uu dalalkaas dal ku gal la’aan tegi karo, sababtoo ah wuxuu doonayaa meel uu naftiisa, hantidiisa iyo ubadkiisa ku aaamino, caafimaad iyo waxbarsho uga helo, dalxiis iyo nasashana u tegi karo.

    Waa guul in aan daladdaas wayn ku biirno, dawladduna way ku ammaanan dadaalkaas, waxaase hubaal ah in aanan kaga faa’iidi karin sida uu haatan xaalkeennu yahay, haddiise aan waqti, tamar, hanti, hoggaan iyo caqligaba isku geyno wax ka qabashada taaganta, waxaan noqon karnaa dalka ugu faa’iidada badan timaaddada Gobolka.

     

    WQ.C C Warsame

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.