Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay tahay Dekeda Jabuti ugu yaboohday Itoobiya?
    Somalia

    Maxay tahay Dekeda Jabuti ugu yaboohday Itoobiya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 10, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jabuuti ayaa mar kale Isniintii sheegtay inay u yaboohdayAddis Ababa heshiis deked wadaag, tallaabadaas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dalalka Geeska Afrika ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

    Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa aad u xumaaday markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis muran badan dhaliyay oo dhinaca badda ah la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliya ee Somaliland.

    Heshiiska is-afgaradka (MoU) ayaa siinaya Itoobiya — oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn adduunka ee aan bad lahayn — in ay hesho bad, balse Soomaaliya ayaa ku cambaareysay in ay weerar ku tahay madax-bannaanideeda.

    Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf ayaa sheegay in dowladiisa ay ku yabooheyso in dekadda Tadjoura ay si wada jir ah u maamulaan Itoobiya, balse waxa uu beeniyay in ay qorsheynayaan in gabi ahaan u gacan gelinayaan.

    “Waxa aan u soo jeedinay Itoobiyaanka ma ahan in aan ka iibino dekedda Tadjoura, weligeed su’aal ma gelin bixinta ama iibinta dekedda,” ayuu u sheegay suxufiyiinta Isniintii.

    “Waa dhaxal qaran oo aan weligeed cidna laga iibin doonin,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in taas beddelkeed “si wadajir ah ayaan u maamuleynaa (dekadda)”.

    Dekaddan oo ay ku kacday $60-ka milyan, islamarkaana la furay 2017, ayaa waxay marin u siinaysaa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, taasoo ka mid ah marinnada ugu waaweyn caalamka ee ganacsiga badda.

    Mahamoud Ali Youssouf ayaa sheegay inay muhiim u tahay Djibouti oo dhaqaalaheeda ku tiirsan ganacsiga caalamiga ah iyo maraakiibta inay haysato ganacsiga Itoobiya.

    Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Billene Seyoum, si degdeg ah ugama jawaabin codsi ay u dirtay AFP oo ku saabsanaa falcelin.

    Sida ku cad heshiiskii 1-dii Janaayo ee ay la gashay Addis Ababa, Somaliland waxay ogolaatay inay 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ah muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.

    Taas beddelkeeda, Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkasta tani aysan marnaba xaqiijin Addis Ababa.

    Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aan fadhin iyo dagaal dhuleed, iyado laba dagaal uu dhexmaray dabayaaqadii qarnigii 20-aad.

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Axaddii ka digay in dalkiisa uu “dullayn doono” dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda, kadib markii Addis Ababa ay ku eedaysay jileyaal aan la magacaabin inay doonayaan inay “qalqal-geliyaan” Geeska Afrika.

    Hadalladan ayaa yimid kadib markii Qaahira — oo muddo dheer xiisad ay kala dhaxeysay Addis Ababa, taasi oo ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee webiga Niilka Buluuga – ay bishii hore qalab milateri u dirtay Soomaaliya.

    Masar ayaa sidoo kale ku yaboohday in Soomaaliya la geeyo ciidamo ka hoos shaqeeya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bedeli doona ciidamada nabad ilaalinta ee hadda jira ee loo yaqaan ATMIS, sanadka soo socda.

    Itoobiya ayaa hadda kaalin weyn ku leh ATMIS oo gacan ka siisa ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.