Mudaahaaraadkii ay qorshaysteen mucaaradka Xamar,waxaa loo baajiyay baqdin amni.
Talyaha Booliska iyo Talyaha Nisa,ayaa uwada tagay Odoyaasha Mucaaradka kana codsaday in ay dib udhigaan banaanbaxa.
“Baabuur qaraxyo ka buuxaan,ayaa Magaalada ku jira oo aan raadjoognaa ee dib udhiga mudaahaaraadka”Ayay ku yiraahdeen Mucaaradka.
Waxaa laysku afgartay in gudi labada dhinac ah la sameeyo oo Sabtida ama Axada mid la qabto banaanbaxa.
Waa fadeexad Magaaladii Xasan ku faanayay in uu ka qabanayo Doorasho Qof iyo Cod ah in banaanka loosoo bixi waayo.
Jimcihii ayay ahayd markii uu Masaajidka ka lahaa ” AS wax qarxin kara miyaa haray”.