Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay tahay sababta loo xiray Imran Khan?
    Somalia

    Maxay tahay sababta loo xiray Imran Khan?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 5, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray Sabtida maanta ah kadib markii garsoore uu ku helay dambi ah inuu galay la xiriira musuqmaasuq, isaga oo ku xukumay saddex sano oo xarig ah, sida ay xaqiijiyeen Booliska iyo saraakiisha Pakistan.

    “Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xiray,” ayuu yiri Attaullah Tarar, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, oo la hadlay warbaahinta.

    Booliska Lahore ayaa sheegay in Khan ay xireen saraakiil ka tirsan ciidamada Islamabad.

    Khan, oo hadda ah hoggaamiyaha xisbiga PTI, ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray la kulmay in ka badan 150 dacwadood iyo eedeymo uu sheegay in ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.

    “Waxaan racfaan ka qaadan doonnaa xukunka,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Intezar Hussain Panjutha, oo ka mid ah qareennada difaacaya Imran Khan.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.