Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay tahay sababta loo xiray Imran Khan?
    Somalia

    Maxay tahay sababta loo xiray Imran Khan?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 5, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray Sabtida maanta ah kadib markii garsoore uu ku helay dambi ah inuu galay la xiriira musuqmaasuq, isaga oo ku xukumay saddex sano oo xarig ah, sida ay xaqiijiyeen Booliska iyo saraakiisha Pakistan.

    “Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xiray,” ayuu yiri Attaullah Tarar, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, oo la hadlay warbaahinta.

    Booliska Lahore ayaa sheegay in Khan ay xireen saraakiil ka tirsan ciidamada Islamabad.

    Khan, oo hadda ah hoggaamiyaha xisbiga PTI, ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray la kulmay in ka badan 150 dacwadood iyo eedeymo uu sheegay in ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.

    “Waxaan racfaan ka qaadan doonnaa xukunka,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Intezar Hussain Panjutha, oo ka mid ah qareennada difaacaya Imran Khan.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025
    Latest Posts

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.