Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay udegi la’adahay Siyaasada Wadanka muhiimka ah Ee Japan?
    Somalia

    Maxay udegi la’adahay Siyaasada Wadanka muhiimka ah Ee Japan?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 15, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul-wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa Arbacadii sheegay inuu xilka ka degi doono bisha soo socota, isaga oo eersaday fadeexooyin siyaasadeed iyo sare u kaca maciishada ee Japan oo cirka ku jirtay muddadi saddexda sano ee uu xilka hayay.

    Ku dhawaaqista lama filaanka aheyd ee Kishida, ee ah in uusan u tartami doonin doorashada hoggaanka xisbigiisa ee bisha September, ayaa waddada u xaartay in Japan ay yeelan doonto ra’isulwasaare cusub.

    Kishida ayaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party kaddibna noqday ra’isul-wasaaraha dalka sannadki 2021. Qofki ku soo baxa xilka hogaamiyaha xisbiga ayaana noqon doona ra’iuslwasaaraha soo socda ee Japan.

    Wasiirki hore ee gaashaandhiga Shigeru Ishiba oo markiiba shaaciyay in uu diyaar u yahay hogaanka sare ee Japan, haddii uu helo kalsoonida xisbiga talada haya.

    Waxaa sidoo kale xilka ra’isulwasaaraha isu soo taagay, wasiirka arrimaha dibadda Japan haweeneyda la yiraahdo Yoko Kamikawa, wasiirka arrimaha dijitalka Taro Kono, iyo wasiirki hore ee deegaanka Shinjiro Koizumi.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.