Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamad ku amartay Maraykanka magdhow ka bixinta dilkii Qaasim Sulaymaan
    Somalia

    Maxkamad ku amartay Maraykanka magdhow ka bixinta dilkii Qaasim Sulaymaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 6, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamad ku taalla Tehran,ayaa ku xukuntay Dowladda Mareykanka in ay bixiso ku dhawaad $50-Bilyan oo ah magdhow.

    Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump,ayaa amar ku bixiyay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Baghdad, taasi oo lagu dilay Jeneraal Qasim Sulaymani iyo ku-xigeenkiisa Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis, 3-dii Janaayo 2020.

    Maxkamadda Tehran,ayaa ku xukuntay Dowladda Mareykanka $49.7 bilyan oo ah “magdhow maal, maskax iyo ciqaab” kadib markii ay dacwad gudbiyeen in ka badan 3,300 oo Iiraaniyiin ah.

    Maxkamadda,ayaa dambiyo ku heshay 42-Qof oo ay ku jiraan Trump, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, iyo xoghayihii hore ee gaashaandhigga Mark Esper.

    Qasim Sulaymani,ayaa ahaa taliyihii Guutada Qudus, oo ah garabka howlgallada arrimaha dibedda ee Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah.

    Waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dalka ee hormuudka ka ahaa hawlgallada Bariga Dhexe ee Iran, waxaana loo arkayay inuu ahaa geesi ka qayb qaatay dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-88.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.