Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta xukun riday (Sawirro)
    Somalia

    Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta xukun riday (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 4, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun waxaa ay ku riday Nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,isla markaana hubka u kala gudbin jiray.

    Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano  (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary  sanadkan kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka ay geystaan Al-Shabaab.

    Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore,  Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu  sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

    Ilaa seddax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u  kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu  ugu  kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafada  Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Al-Shabaab, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd  markii seddaxaad ay  suura gashay in ay  qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha  isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday  Boorsooyinka Xarragada.

    Laba Bistoolad, Seddax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer).

    Bishii Afaraad dabayaaqadeedii  ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

    Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay.

    Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u  horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay.

    Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Al-Shabaab dilalka  gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen.

    Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan  geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed  aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

    Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

    Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.