Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamada Ciidamada Xamar oo dil ku xukuntay dhalinyaro Shabaab ka tirsanaa
    Somalia

    Maxkamada Ciidamada Xamar oo dil ku xukuntay dhalinyaro Shabaab ka tirsanaa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 22, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday labo eedeysane oo loo heystay inay dileen Nabadoon  lagu magacaabi jiray Suldaan Hilowle Xeefow Xuseen, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka.

     

     ” Ujeedo:- Xukun Maxkamadeed.

    Taariikhdu markay Ahayd 21/08/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :-

    1) Xasan Cali Xasan Keeroow 23 jir ah ina edebo xasan ibraahin ku dhashay Bakool.

    2) C/raxmaan Ciise cali fiidoow 20 jir ah ina Shukri sheekh siyaad ku dhashay Xamar degan Dayniile , Kuwaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiyada kala ah in ay ka tirsan yihiin ururk Al-shabaab gaar ahaan qaybta fulisa dilalka gaadmada ah, Sidoo kale eedaysanayaasha waxaa lagu soo eedeeyay in ay dileen 02/11/2016 Marxuum Nabadoon Hilowle Xeefoow Xuseen islagoobta ay dilka ku gaysteena ay ciidanka amniga degmada wadajir ku qabteen iyadoo lagu soo qabtay hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah labo bastoolad makaarof ah iyo hal bambo .

    DOOD DHEER KADDIB.

    Maxkamaddu

    Markay Aragtay:- qiraalka eedaysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keeroow iyo C/raxmaan Ciise cali fiidoow ay ka hor qirteen garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyeen in ay ka tirsan yahiin ururka Al-Shabab qaybta fulisa dilalka gaadmada ah isla markaana ay iska soo raaceen labadooda degmada dayniile iyagoo imaaday banaanka masaajid ku yaalo degmada wadajir oo uu nabadoonka ku dukan jiray si ay ugu dilaan halkaas marka la gaaro xiliga salaada, markii uu dilku dhacayna ay kusoo baxeen ciidanka amniga sidaasna lagu qabtay labadoodaba, iyagoo ku hubaysan hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah 2 bastoolad iyo hal bambo.

    Markay Dhagaysatay:-Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay la kulmeen labada edaysane oo dilaya nin oday ah meel masaajidka u dhaw kadibna ay isku dayeen in ay ka baxsadaan goobta iyagoo xabada kusoo riday markii xabada lays waydaartayna ay iyagu dhaawacmeen sidaasna looga qaaday hubkii ay wateen laguna xiray.

    Markay Aragtay:- Dambi muujinta la horkeenay maxkamada horteeda ay ka mid tahay Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha,qiraalada laga qoray eedaysanayaasha,warqada cadaynta dhimashada marxuumka,sawirka marxuumka iyo hubkii loo isticmaalay falka dilka ah oo ah labo bastoolad oo makaaroof ah iyo hal bambo.

    Markay Dhagaysatay: – Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanayaasha.

    Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in:-

    1- C/raxmaan Ciise cali fiidoow.
    2-. Xasan Cali Xasan Keeroow, ay wada yihiin bambiilayaal galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hilowle Xeefoow Xuseen .

    Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

    Wabillaahi Towfiiq.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.