Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamadda Ciidanka qalabka sida Puntland oo xukuno dil ah riday+VIDEO
    Somalia

    Maxkamadda Ciidanka qalabka sida Puntland oo xukuno dil ah riday+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2020Updated:January 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda sare ee Racfaanka Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa xukuno ku riday shan nin oo kamid ahaa Ciidanka Puntland, kuwaas oo ku eedaysnaa inay dilal gaysteen.

    Labo kamid ah eedeysanayaashan ayaa Maxkamadda Sare ee Racfaanka Ciidanka qalabka sida ee Puntland ku xukuntay bixinta magta dadkii ay dileen, halka saddexda kalena ay Maxkamaddu ku xukunta dil toogasho ah.

    Eedeysanayaasha ay Maxkamaddu ku riday xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa kamid ah Axmed Aadan Maxamed Gaagaale oo ku eedaysnaa dil loo geystay sanadkii 2015-kii, allaha u naxariistee Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Xassan Shire Amaan.

    G/SARE Maxamed Aadan Jaamac oo ah Garsoore ka socday Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha kiisaska racfaanlayaasha ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/1809368369188370/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.