Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo xukuno dil iyo xabsi ah ku riday 13 dagaalame+VIDEO
    Somalia

    Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo xukuno dil iyo xabsi ah ku riday 13 dagaalame+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 7, 2020Updated:January 7, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa xukuno iskugu jira dil iyo xabsi ku riday 13 eedaysane oo katirsanaa ururada Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

    Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa 3 kamid eedeysanayaasha ku riday xukun dil ah, halka 10 kalena ay ku riday xabsiyo kala duwan, sida uu ku dhawaaqay G/sare Maxamed Aadan Jaamac oo ah garsoore kamid ah Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland.

    Sidoo kale, Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay maalmaha soo socda u fariisan doonto kiisaska 27 eedeysane, kuwaas oo horey loogu soo riday xukuno kala duwan, racfaana kasoo qabtay.

    Maxkamadaha Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday u fariisiga kiisaska Dad ku eedeysan falal argagixiso iyo Ciidamo dambiyo geystay, waxaana fadhiyada Maxkamaduhu kusoo aadayaan iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Madaxweyne Deni uu kala dirayo Garsoorayaasha iyo Xeer ilaalinta Maxkamadaha Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.