Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamadeynta Nin loo heysto weerarkii Koonfurta Gaalkacyo oo lasoo gaba-gabeeyay+VIDEO
    Somalia

    Maxkamadeynta Nin loo heysto weerarkii Koonfurta Gaalkacyo oo lasoo gaba-gabeeyay+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019Updated:November 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta soo geba-gabeysay dacwad loo heysto Nin lagu eedeeyey  weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

    Ninka Maxkamadeyntiisa la soo geba-gabeeyo oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa xeer ilaalinta Maxkamadda ay hor keentay Afar markhaatiyaal ah, iyada oo  sheegtay in ay hayaan cadeymaha in uu weerarkaas ku lug lahaa,sidoo kalena uu qirtay.

    https://www.youtube.com/watch?v=aDsd1ZtMNk8&feature=youtu.be

    Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaabta dambiga uu galay.

    Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda ay kasoo saari doonaan.

    26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 ayaa rag hubeysnaa oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab waxaa weerar qaraxyo ku bilaawday ay ku qaadeen Xarunta uu maamulaha ka ahaa wadaad Caan ka ahaa Magaalada gaalkacyo oo lagu Magacaabo jiray Sheekh Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare,waxaana weerarkaas ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta,isla markaana uu ku jiro Sheekh Cabduweli Cilmi Yare.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.