Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MBS oo qorshayaashiisa horumarinta Sacuudiga kusoo daray Shirkad Diyaaradeed oo cusub
    In this Nov. 11, 2015, photo, Saudi Arabian Deputy Crown Prince Mohammed bin Salman attends a summit of Arab and Latin American leaders in Riyadh, Saudi Arabia. Saudi Arabia said Tuesday, Dec. 15, that 34 nations have agreed to form a new "Islamic military alliance" to fight terrorism with a joint operations center based in the kingdom's capital, Riyadh. Mohammed bin Salman said the new Islamic military coalition will develop mechanisms for working with other countries and international bodies to support counterterrorism efforts. (AP Photo/Hasan Jamali)
    Somalia

    MBS oo qorshayaashiisa horumarinta Sacuudiga kusoo daray Shirkad Diyaaradeed oo cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii ku dhowaaqday billowga shirkad diyaaradeed oo cusub, taasi oo qeyb ka ah qorshe magaalada Riyadh looga dhigayo xarun socdaal oo caalami ah, oo la loolanta magaalooyinka Doha iyo Dubai.

    Riyadh Air “ayaa ujeedkeedu yahay inay duulimaadyo ku tagto in ka badan 100 goobood oo caalamka ah kahor 2030,” waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka rasmiga ah ee SPA.

    Boqortooyada Sacuudiga ayaa eryaneysa hadafyo dhanka socdaalka oo damaaci ah, kuwaasi oo qeyb ka ah aragtida dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ee “Vision 2030”, oo ay ku jirto in tirada rakaabka ee sanadlaha la saddex jibaaro oo 10 sano gudahood lagu gaarsiiyo 330 milyan.

    Waxay sidoo kale dooneysa inay sanadkii gudbiso shan milyan oo tan oo xamuul ah.

    Bishii November, saraakiisha Sacuudiga ayaa ku dhowaaqay qorshaha garoon diyaaradeed cusub oo laga sameynayo Riyadh, kaasi oo ku fadhin doona dhul 57 km oo isku wareeg ah, islamarkaana qaadi kara 120 milyan oo musaafiriin ah sanadkii marka la gaaro 2030, iyo 185 milyan, sanadka 2050.

    Qaadka garoonka diyaaradaha ee hadda ka dhisan Riyadh, waa 35 milyan oo musaafiriin ah sanadkii.

    Shirkadda diyaaradeed ee cusub waa qeybtii ugu dambeysay “xirmooyinka weyn ee mashruucyadeena, taasi oo xoojin doonta kaalinta dalkeena ee xarun socdaal oo caalami ah,” waxaa sidaas twitter kusoo qoray wasiirka gaadiidka Sacuudiga Saleh Al-Jasser.

    Tony Douglas, oo horey u ahaa madaxa shirkadda Etihad Airways ee fadhigeedu yahay Abu Dhabi, ayaa loo magacaabay madaxa shirkadda Riyadh Air, sida ay sheegtay SPA.

    Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in diyaaradda cusub ay ku shaqeyn doono “diyaraado casri ah” balse ma bixin faah-faahin dheeri ah.

    Wargyska Wall Street Journal ayaa Sabtidii qoray in Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Sacuudiga (PIF) uu “ku dhow yahay heshiis” uu la galo shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing, kaasi oo “lagu qiimeeyey $35 bilyan.”

    Garoonka diyaaradaha ugu mashquulka badan Sacuudiga iminka waa midka ku yaalla magaalada Jeddah ee ku teedsan Badda Cas, halkaasi oo xarun u ah shirkadda Saudia.

     

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.