Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midawga Yurub oo Xaafiis la dagaalanka Burcadbadeeda iyo argagixisada ka furanaya Puntland
    Somalia

    Midawga Yurub oo Xaafiis la dagaalanka Burcadbadeeda iyo argagixisada ka furanaya Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 6, 2017Updated:March 6, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Saraakiil ka socota hawlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaaliya ayaa imaanaya maalmaha soo socda Puntland, kuwaas oo kulan la qaadan doona Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar.
     
    Waxaa kulankooda ka dib ay Saraakiishu Daahfuri doonaan xafiis rasmi ah oo ay ka furteen Puntland, waxaana xafiisku uu isku xiri doona Puntland iyo Saraakiisha si ay isaga kaashadaan waxyaabo badan oo ay ka mid tahay Argagixisada iyo Burcadbadeeda sida laga helay xog ay bixiyeen masuuliyiin ka tirsan puntland
     
    Barnaamijkan oo horay uso socday ayaa waxaa soo dadajiyay xiriir wannaagsan oo Puntland iyo Saraakiisha hogaamisay hawlgalka ay yeeshen ka dib dagaaladii Suuj iyo Garmaal ku dhexmaray ciidanka Puntland iyo Shabaab.
     
    Waxaa Puntland oo shaki badan ka muujisay sababta ay xeebaha u joogan Maraakiibta tirada badan ay ay keentay ugu dabayn inay go’aansadaan inay xafiis ka furtaan Puntland.
     
    Maraakiib badan oo u yimi xeebaha Soomaaliya Barnaamij ku saabsan la dagaalanka Burcadbadeeda ayaa jooga, xilli ay soo afjarmeen Burcadbadeedii dhibaatada ku hayay Xeebaha Soomaaliya.
     
    Dhanka kale Midowga dalalka reer Yurub ayaa lagu wadaa in uu Ansixiyo sharci cusub oo kasoo dhigaya in xarumo waa weyn oo lagu tababaro ciidamo Millatari ah in laga hirgaliyo dalalka Soomaaliya ,Mali iyo sidoo kale Central African Republic.
     
    Gundhigga tallaabadaasi ayaa lagu sheegay in ay tahay in la helo ciidan Awood leh ,islamarkaana wax badan ka qaban doona xaaladda Ammaan ee dalalka Qaarada Afrika.
     
    Madax Siyaasiyada arimaha dibada Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in Wasiirada arimaha dibada iyo sidoo kale kuwa difaaca Midowga Yurub laga doonaayo ay si deg deg ah ay u keenaan Siyaasada qeexaysa Qaabkii loo mari lahaa dhismaha Xarumahaasi lagu tababaraayo ciidamada.
     
    “Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta Arimaha dibada iyo sidoo kale Difaaca waa in ay la yimadaan go’aan degdeg ah oo ku saabsan samaynta qorshaha lagu dhisaayo Saldhigaasi” ayay tiri Federica Mogherini.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.