Midowga Yurub iyo Hindiya,waxay wada gaareen heshiis ganacsi oo taariikhiya,kaasoo loogu magacdaray ( Hooyada heshiisyada oo idil).
Dhamaan Alaabaha Labada dhinac,ayaa Canshuur la’aan ku kala tagaya Labada Qaaradood,wuxuuna abuuraya ganacsi gaaraya $27 Tirilyan.
Waa Suuq balaaran oo dadkiisu gaarayo 2-Bilyan oo Qof,waana 22% GDP caalamka.
Labada dhinac,waxaa loolan ku ah oo ay fariin udirayaan Maraykanka iyo Shiinaha…
1.Maraykanku,wuxuu kusoo rogay Canshuur dheeriya,isagoo ku cadaadinaya in ay uhogaansamaan amaradiisa.
2.Waxaa loolan ku ah wax soo saarka Shiinaha ee xooga badan.
Inkastoo heshiiskan uu yahay mid isku miisaaman faa’idadiisa hadana,waxay Yurub helaysaa…
1.Suuq gaaraya 1.5 Bilyan oo Qof.
2.Shaqaale dhalinyaro ah oo jaban.
Hindiya,waxay helaysaa Suuq dadkiisu gaarayaan 500 Milyan oo qani ah,waxaana shaqooyin ka helaya dadkeeda faraha badan ee shawadu ku yar tahay.
Sidoo kale heshiiska,waxaa qayb ka ah mid amni iyo iskaashi difaac.
