Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Yurub oo bad-baadiyay Ciidan kamid ah Milateriga Soomaaliya oo Doon la degtay+Sawirro
    Somalia

    Midowga Yurub oo bad-baadiyay Ciidan kamid ah Milateriga Soomaaliya oo Doon la degtay+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgalla Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay soo badbaadiyeen Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya,kuwaas oo doon ay wateen ay kula degtay xeebta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Howlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaano Atlanta oo ay Shaqadoodu tahay la-dagaalanka Kooxaha Burcad badeedda waxaa ay sheegeen in doontaas ay ku degtay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe,isla markaana ay ugu gurmadeen codsi uga yimid doonta ku ciladoowday biyaha dhexdooda.

    Sawiro ay baahiyeen Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa muujinaya Ciidamada la soo badbaadiyey iyo Shaqaalaha saarnaa doonta,kuwaas oo ka walaacsanaa noloshooda ka hor inta aan la soo badbaadin.

    Si kastaba Ciidamadan ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo Midowga Yurub ay kasoo badbaadiyeen Doon la degtay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalma ka hor Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda ay doon kula degtay agagaarka Xeebta Marka,isla markaana Al-Shabaab ay sheeegeen inay doontaasi weerareen kuna dileen Afar kamid ah Ciidamadii saarnaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.