Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Yurub oo dib u eegis ku samaynaya siyaasada muhaajiriinta
    Somalia

    Midowga Yurub oo dib u eegis ku samaynaya siyaasada muhaajiriinta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 27, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirada socdaalka ee Midawga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden si ay dib u eegis ugu sameeyaan siyaasadaha socdaalka, gaar ahaan muhaajiriinta dib u soo laabanaya ee aan xaqa u lahayn in la siiyo magangelyada.

    Shirkan ayaa loo arkaa kulan aan rasmi ahayn oo loogu diyaargaroobayo kulanka ay isugu imanayaan dhammaan madaxda 27-ka dal ee Midawga Yurub, bishan soo socota ee February 10-keeda, halkaas oo la filayo in arrimaha socdaalku ay xagga hore ka galaan ajandaha laga wada hadlayo.

    Madaxa arrimaha gudaha u qaabilsan Midawga Yurub Ylva Johansson oo la hadashay warbaahinta, ka hor kulanka, ayaa sheegtay in Midawga Yurub uu arkay soo galooti “aan caadi ahayn” oo soo gaadhaya dalalka Yurub, kuwaas oo gaadhay illaa 300,000 oo muhaajir sannadkii hore. Midawga Yurub ayaa sidoo kale diiwaangeliyey illaa 974,000 codsi oo magangelyo doon ah.

    Madaxa arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tirada magangelyo doonku ay saddex laab ka badan yihiin, tirada muhaajiriinta ee caadiga ah, arrintaas oo culays badan saaraysa awoodaha soo dhoweynta ee muhaajiriinta, iyada oo sheegtay in qaar badan oo ka mida [muhaajiriintaasi] inaanay u baahnayn ilaalinta caalamiga ah.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Qaramada Midoobay, in illaa 160,000 oo dad ahi inay sannadkii 2022 ka gudbeen badda Mediterranian iyaga oo u gudbay dhinaca Yurub, kuwaas oo ka cararaya dagaalada iyo saboolnimada ka jirta Bariga dhexe, Afrika iyo Aasiya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.