Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Yurub oo joojiyay Gargaarkii Bini’aadantinnimo uu siin Somaliya
    Somalia

    Midowga Yurub oo joojiyay Gargaarkii Bini’aadantinnimo uu siin Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 20, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Midowga Yurub,ayaa joojiyay Gargaarkii Bini’aadantinnimo ee uu siin jiray Somaliya,kaasoo ay marin jireen Hay’adaha UNICEF iyo WFP.

    Go’aankan,waxuu ku yimid,markii ay soo baxeen musuq balaaran oo lagu sameeyay Deeqihii Sanadkii 2022-2023.

    Wefti dabagal ah oo ka socda QM kana yimid Newyork,ayaa gaaray MagĂ alooyinka Muqdisho,Baydhabo iyo Gaalkacyo oo ay degan yihiin Barakacayaasha ugu badan.

    Kooxdaas baarayaasha ah,waxay soo xaqiijiyeen in uu jiro musuq baahsan oo isku xiran ilaa Horjoogaha Xerada,Qofka Dhulka leh,Xaafiisayada NGO-yada iyo Ilaa Dowlada Fadaraalka Somaliya.

    Dhanka Dowlada,waxay kooxdan dul istaagtay Xaafiiska Maaraynta Masiibooyinka oo dhawaan loo dhiibay Nin ay isku hayb hoose yihiin MW Xasan kuna xiran mid ka mid ah Qoysaska Madaxweynaha.

    Arinkan,waxuu saamaynayaa Gargaarka Bini’aadantinimo ee Midowga Yurub uu siiyo Somaliya,gaar ahaan midka Safka hore ee loo yaqaan (A),kaasoo ah Cuntada iyo Biyaha).

    Saamayntaas,waxay keeni kartaa in xaalka Cunnada iyo Biyaha Bulshada Somaliyed oo hadaba liitay uu kasii daro.

    Jibril Qoobey.

    https://www.reuters.com/world/eu-temporarily-holds-back-food-aid-somalia-after-un-records-widespread-theft-2023-09-18/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.