Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Yurub oo si adag uga hadlay kitaabkii Qur’aanka ee lagu gubay Sweden
    Somalia

    Midowga Yurub oo si adag uga hadlay kitaabkii Qur’aanka ee lagu gubay Sweden

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 2, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Midowga Yurub,ayaa si adag u cambaareeyay gubidda Qur’aanka iyo muujinta cunsuriyadda, waxayna caddeeyeen inaysan meelna uga jirin Yurub.

    Midowga Yurub,ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden kula biiray sida xooggan ee ay u diiddan yihiin qur’aanka lagu gubay Sweden.

    Afhayeen u hadlay Midowga Yurub,ayaa sheegay in falkani uusan sinaba uga tarjumayn aragtida Midowga Yurub.

    Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xiriirka oo lagu faafiyay mareegaha Internet-ka ayaa lagu yiri “In la gubo kitaabka qur’aanka ama kutubta kale ee xurmada leh waa aflagaado, aan munaasib ahayn, waana fal daandaansi cad ah.”

    Muujinta midab-takoorka, nacaybka iyo dulqaad la’aanta meelna kuma laha Yurub.

    Waxa falkan sii xumaynaya ayaa ah in qofka falka geystay uu u doortay maalinta ay Muslimiintu u dabaal degayaan Ciidul Adxaa.

    “Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa inuu difaaco xorriyadda diinta ama caqiidada iyo xorriyadda hadalka, dibadda iyo gudaha. Hadda waa waqtigii loo wada istaagi lahaa is-faham iyo is-ixtiraam, lagana hortagi lahaa dhibaato kale oo soo kororta.”

    Ururka shaqaalaha ayaa cambaareeyay falkii lagu weeraray safaaradda Sweden ee Baqdaad, Wuxuu ku baaqay in la is dejiyo oo la is xakameeyo.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.