Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mudug: Maleeshiyo weerartay Dad dhuxul shidayay
    Somalia

    Mudug: Maleeshiyo weerartay Dad dhuxul shidayay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 12, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa ku dhintay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay kaddib weerar lagu qaaday qaar kamid ah dadka Dhuxusha Shida oo ku nool deegaan hoostaga Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

    Weerarka oo ka dhacay Deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120-KM dhinaca koonfureed ka xiga Magaalada Galkacayo, ayaa la sheegay inay geysteen maleeshiyaad deegaanka ah.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay inay horay ugu amreen inay joojiyaan dadka dhirta  jaraya ee dhuxusha ka sameynaya, hayeeshee ay taasi ka dhega adeeygeen, isla markaana ay keentay in xalay saqdii dhexe weerar ay ku qaadaan.

    Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu kamid ahaa dadka Dhuxusha shidayay, halka qof kamid ah maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday uu dhaawac soo gaaray, kaas oo la geeyey Isbitaalka deegaanka Dhagtuux ee Koonfurta Gobolka Mudug.

    Ma jirto wax war ah oo ku Aadan weerarkan ka dhacay Degaanka Dhagtuur oo kasoo baxay Maamulka Koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.