Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muhaajiriin Soomaali U Shaqeynayay Maleeshiyadda Xuutiyiinta Oo Lagu Qabtay Yemen
    Somalia

    Muhaajiriin Soomaali U Shaqeynayay Maleeshiyadda Xuutiyiinta Oo Lagu Qabtay Yemen

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciiddanka Dowladda Yemen ee ku sugan Waqooyiga magaalladda Tacis ee K/Galbeed ee dalkaasi ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen  Labo Muwaadin Soomaali ah oo sida la tilmaamay u shaqeynaysay Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ee taageeradda ka hela Dowladda Iiraan, isla markaana dagaalka kula jira Dowladda Yemen ee ay QM iyo Isbahaysiga Sacuudigaan taageeraan.

    Ilo Milliteri ayaa u sheegay Warbaahinta dalkaasiย  inay Ciiddanka ku sugan Deegaanka Aagga Al-Zanuuj ee duleedka magaalladda Tacis qabteen Labada Nin ee Soomaalida, xilli ay doonayeen inay waxyaabaha qarxa ku aasaan dhismo ku yaalla Deegaanka Al-zanuuj, waa sida ay hadalka u dhigeen.

    Sida laga soo xigtay Ilo-wareedka ku dhow Ciiddanka Dowladda Yemen waxay kaloo sheegeen  inay Ciiddanka jidka u galeen Muhaajiriinta Soomaalida, ka hor intaysan qabanin iyagoo aasayey miinadda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

    Ciiddanka Dowladda waxay kaloo sheegeen in mid ka mid ah Eedeysanayaasha Soomaalida ku dhaawacmay miinadii uu asaayey, halka midka kalena uu ku dhaawacmay rasaas ay soo fureen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta, waa sida ay hadalka u dhigeen.

    Si kastaba ha ahaatee, Qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka Yemen waxaa lagu soo bandhigay Sawiradda Labada qof ee la sheegay inay Soomaali yihiin, inkastoo aan la shaacinin magacyadooda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.