Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muqdisho:-Daawo Khayre oo ka warbixiyay wada xajoodkii dhexmaray Dowlada Fadaraalka iyo Qaramada midoobey
    Somalia

    Muqdisho:-Daawo Khayre oo ka warbixiyay wada xajoodkii dhexmaray Dowlada Fadaraalka iyo Qaramada midoobey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo oo Muqdisho safar kusoo gaartay.

    Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta xariirka Qaramada Midoobay iyo dawladda federaalka Soomaaliya, in si dhaw labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan.

    Ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay ayaa ku heshiiyay in qaramamada midoobay ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay taageerada xooggan iyo dawrka muuqda ee qaramada midoobay ka qaadatay dib u soo kabadashada, xasilinta iyo kobaca dalka Soomaaliya.

    Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay iyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa isku raacay in dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qaataan dawrka hoggaamineed iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.

    Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

    Rosemary A. DiCarlo, madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), waxa ay xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, kala talisaa arrimaha nabadda iyo amniga caalamka,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    June 21, 2025

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    June 21, 2025

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025
    Latest Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.