Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muqdisho: Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qarixii Kantaroolka Sayidka+VIDEO
    Somalia

    Muqdisho: Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qarixii Kantaroolka Sayidka+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 8, 2020Updated:January 8, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay meel u dhaw Bar-koontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaas oo ku dhaw taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

    Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere) oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ahaa mid lagu soo dhejiyey waxyaabaha qarxa, balse uusan aheyn mid lagu soo raray gaariga, in kasta oo uusan shaacin magaca shakhsiga lahaa gaariga uu sheegay.

    Mr. Saalax dheere ayaa sidoo kale  sheegay in xilliga garaiga uu qarxayey uu ku jiray safka baarista, isla markaana ay ku geeriyoodeen seddax qof, lix kalena ay ku dhaawacmeen.

    Marka laga soo tago faah-faahinta Maamulka Gobolka Banaadir waxaa goobta ku burburay ugu yaraan 8-gaari oo ay ku jireen mootoyinka Bajaaj-ta, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobka qaraxu ka dhacay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.