Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muqdisho:-Ra’isalwasaare Khayre oo canbaareeyay Qaraxii Muqdisho ee maanta
    Somalia

    Muqdisho:-Ra’isalwasaare Khayre oo canbaareeyay Qaraxii Muqdisho ee maanta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyey qaraxyada saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala dhacay agagaaraha Warshadii hore ee Nac-naca oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan kuwa XDS iyo qaraxa labaad ee lala beegsaday hotelka Wehliye.

     Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado inay jiraan weli kooxo nabadda diidan isla markaana u ooman daadinta dhiiga shacabka.

    “Waxaan aad uga xumahay falalkan qaraxyada ah ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa inaan xoogeena isugu geyn doono sidii aan gacan adag ugu qaban laheyn kooxahaan u ooman daadinta dhiiga shacacabka ah” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto sidii looga hortagi lahaa falalkan inay sii socdaan, lana xassiliyo dalka guud ahaan.

    Gabagabadii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii maanta ku dhintay qarxyadaasi, wuxuuna alle uga baryay inuu janadiisa geeyo.

    —-DHAMMAAD—-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.