Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muqdisho:-Ra’isalwasaare Khayre oo ka codsaday Qaramada Midoobey in ay la wadagaan xogta abaaraha
    Somalia

    Muqdisho:-Ra’isalwasaare Khayre oo ka codsaday Qaramada Midoobey in ay la wadagaan xogta abaaraha

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta isku xirka gurmadka Abaaraha u qaabilsan Qaramada Midoobay, wuxuuna warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah Hay’addaha gacanta ku haya xog-uruurinta xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaaraha ka jira dalka.

     Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Hay’addaha Qaramada Midoobey in la mideeyo isla markaana la isku dheeli-tiro habka gargaarka loo gaarsiinayo deegaanada abaaruhu ka jiraan, lana wadaago macluumaadka ku saabsan meelaha ugu daran ee u baahan gargaarka degdegga ah, gaar ahaan dawladda iyo Qaramada midoobey, maadaama ay jiraan dadaalo kale oo gurmad ah oo ay fidinayaan Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha iyo hay’addo kale.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxayna isla soo qaadeen sidii Qaramada Midoobey ay gurmadku degdeg ugu gaari lahaa goobaha ay sida daran u saameysay Abaartu.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.