Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MUSUQ MAASUQA GAAMURAY EE WASAARADDA DEEGAANKA PUNTLAND,
    Somalia

    MUSUQ MAASUQA GAAMURAY EE WASAARADDA DEEGAANKA PUNTLAND,

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2017No Comments6 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Deegaanka Dalxiiska iyo Daaqa, Waa wasaarad ka mid ah wasaaradaha puntland, kana mid ah xafiisyadda dawliga ah kuwasoo aad Muhiim u ah, Waxayna Guud ahaan laf dhabar u tahay bulshadda iyo Deegaanka,  Baahidda loo Qabo ilaalinta Deegaanka iyo muhiimadda goonidda uu leeyahay Deegaanka ayaa keentay, in Wasaaradaan la abuuro, lagana Dhigo mid shaqaysa,

    Waxaa Xaqiiq ah in himilooyinkii loo Yagleelay Wasaaradda iyo Hadafkii Shacabka puntland ka Qabeen Wasaaradda la marin habaabiyey, Iyadoo Guud ahaan Meesha laga saaray,

    ,iyadoo laga sugayey ilaalinta Deegaanka iyo hormarinta iyo Ilaalinta Noolaha Ku Xeeran kuna nool Deegaanka, balse taasi waxay noqotay dhado roob noqon wayay,

     

    ” YAA KA SHAQEEYA WASAARADDA DEEGAANKA PUNTLAND’

     

     

    Wasaaradda Deegaanka puntland, Waa Wasaarad aad Muhiim u ah, Puntland Balse Nasiib darro, Shaqdeedii waa la Marin habaabiyey, iyadoo Dad aan lahayn ama baran Xirfad Deegaanka loo Galiyey Gacanta Taasoo gabi ahaanba sababtay in Wasaaraddu Ku fashilanto ilaalinta iyo baxnaaninta Deegaanadda puntland,

     

    1: Wasiirka, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud, ee wasaaradda Deegaanka Puntland, Midna Malahan mana Baran Xirfadda Deegaanka, taasoo Keentay In Wasaaraddu Ku guul daraysato Shaqaddii loo igmaday,  Madaxda Wasaaradda Oo ahaa Hawl wadeenaddii Wasaaradda Hadana aan Xirfaddii Deegaanka aan aqoon ama Baran, Waa Su’aalle Wasaarad Maxaa laga fili karaa?

    2:  Shaqaalaha Wasaaradda Deegaanka Puntland, Waxay dhanka Aqoonta Deegaanka kala mid Yihiin Madaxda Wasaaradda, Laguma shaqaalaysiin Aqoon ama Cilmi ay Deegaanka u leeyihiin, iyagoo lagu Soo Xulay, Nidaam Beeleed, iyo Shaqaale lagu Keenay Sababo kale oo Fara badan, Tasoo Keentay in Wasaaradda uu soo Food Saaaro, fashil isdaba joog ah,

     

    “HADDABA SEE BAY U SHAQAYSAA WASAARADDA DEEGAAANKA PUNTLAND”

     

    Waxaa si Aan daah saarnayn ama Cad u muuqda in la Marin habaayey ujeedkii loo aasaay Wasaaradda, Deegaanka Puntland,

     

    1: Shirar bilaa Macne ah kuwaasoo, lagu Bixiyey lacago lacago Fara badan,

    Kuwasoo dad lagu Sheegay ergooyin Laga kala Keeni Jiray Goboladda puntland, iyadoo Huteelo loo kirayn Jiray, Taasoo Wasaaraddu Ku kharash garayn jidhay, lacago aad u Fara badan, Shirarkaas Wax natiijo ah oo Wax Ku ool ah kama soo Bixi Jirin,

     

    2: Waxaa Sidoo kale jidhay in Wasaaradu Kharash iyo Wakhti badan Ku bixsay, Safari bilaa Macne ah kuwaasoo lagu Sheegay in wax lagu soo Qiimaynayo, iyadoo baabuur dhalin Yarro la saaray Safaro lagu Galiyey, Goboladda, To low Ma Dalxiis buu ahaa Mise Shaqo Wasaaradeed?

     

    3: Wasaaradda Deegaanku Waxay lacago Faro badan Ku bixisay Samaynta boorar bilaa macne ah kuwaasoo lagu dhajiyey Faras Magaalaha, Wasiiraka iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa Ku sawiran, Sidoo Kale Waxaa jidhay in Tabeelayaal lagu xardhay Magacyo Mashaariic Been abuur ah iyo Geedo lagu Sawiray lagu dhajiyey meelo Fara badan oo Puntland ka Mid ah, kuwaas oo Hay’adihii Maalgaliyey mashaariicdaas Loogu Sheekeeyey in la fuliyey, oo inta Boorarkaas Sawiro laga Qaado haya’daha loo dirro, Taas Badalkeedana, Shacabkii Reer Puntland lagu dhacay, lacagtii mashariicdaasna La Lunsaday, Waa Su’aalle Goorma sawiro la qaadaa Noqdeen Wax qabad?

     

     

    “QANDARAASYADDA WASAARADDA DEEGAANKA PUNTLAND”

     

     

    Wasaaradda Deegaanka Waxay bixisaa Qandaraasyo La Siiyo dad ama Shirkaddo Gaar loo leeyahay, kuwasoo lagu Siiyey Qaab cadaalad Darro ah, qandaraasyadaas looma Gallo Tartan Furan, Waxaana Lasiiyaa, Dadka ay Saaxiibo dhaw yihiin, wasiirka deegaanka Puntland,

     

    Qandaraas layashaas Waxay Wasaaraddu, Ka Heshaa ama qaadaa Lacag Qoondo ah kuwaasoo mashaariicdda Qandaaraska lagu Fulinayo lagu kala Goosto, laga dhigo Mashaariic Fushay, iyadoo Ay halkaas ka soo baxaan fashil Wax Qabad la’aan, Wasaaradda Deegaanka Puntland Waxay Noqotay, Meel Ganacsi taasoo Madaxda wasaaraddu Ka Samayeen Lacag Aad u Fara badan oo Aan Caqliga Gali Karin,,

     

    XAGGEE MAREEN MASHAARIICDII MAALAAYIINTA DOLLAR KU KACAYEY EE WASAARADDA DEEGAANKA PUNTLAND LA SIIYEY,

     

    Waxaa jidhay in Wasaaradda Deegaanka puntland, heshay mashaariic aad u waawayn kuwaasoo Gaarayey malaayiin Doolar, Mashaariicdaan waxaa maalgalinayey midowga yurub, Waxayna u soo mariyeen hayado Caalami ah,

     

    1: Mashuurac Lagu Magacaabo Maamulka khayraadka Dabiiciga ah, ” Natural Resource Management NRM” mashruucaan oo ay Maalgalinaysay Midowga Yurub iyo Haya’dda “ADESO” ayaa ay Ku Baxday Lacaga Gaaraysa Dhawr iyo Toban Malyan oo Dollar, Kasoo Looga gol lahaa in lagu Maamulo Korna loogu Qaado khayraadka dabiiciga ah ee puntland, Mashruucaan ayaa looga gol lahaa in in lagu Yareeyo khatarta dhuxusha ee Deegaanka, isla markaana Shaqo abuur loogu Sameeyo Dadka Ku Hawlan Gubidda dhuxusha, waxaa la yaab ah Meesha uu Maray Mashruucaas?

    Hadaba Su’aasho Waxay tahay lacagtaas Xaggee Ku baxday? Mar Haddii Deeganaddii uusan Wax Qabad ka Muuqan,

    2:  Mashuurca Labaad Ee Wasaaradda Deegaanka puntland, fulisay wuxuu ahaa mashruuca Noloshu Waa Deegaanka “Environment is life” Mashruucaan waxaa maalgaliyey midowga Yurub Waxaana Ku Baxaya Lacag Dhan 17 Million oo dollar, Waxaana looga gol lahaa in guud ahaan lagu Maalgaliyo Deegaanadda Puntland, 1: furitaanka Xarumo Waawayn ee lagu Xanaaneeyo Duurjoogta, macadyo iyo Iskuulo lagu baranayo Deegaanka, Tababarka iyo Hawl Galinta Ciidan u Gaar ah ilaaladda Deegaanka Kuwaas oo Mashuurca Dabooli lahaa, intaas oo Mashruucaas loogu Talo Galay mid kama fulin, lacagtii Mashaariicdaasna Waa la Lunsaday, iyadoo hay’adihii maalgaliyey loo Geeyey sawiro iyo Wax qabad aan Jirin, Si looga dhaadhiciyo, in mashaariicdaas Fushay,

    3: mashruuca Sadexaad Wuxuu ahaa mid kharash Malaayiinta Ku baxday, mashruuca xiligii Abaaraha, kasoo Looga hortagayey Abaarihii baahsana ee puntland ka dhacay si loogu Gurmado Dadkii abaaruhu Saameeyeen oo Xooluhu dhaafeen, biyo dhaamisna loogu samayn lahaa, iyadoo lacagihii Xoolo Celinta ahaa oo dadkaas loogu Talo Galay, La dhacay Lana Lunsaday,

    4: Mashruuca lagu Magacaabo ” Environmental Impact Assement Project” Mashruucaan oo lagu Qiimaynayey Abaarihii Dhacay Laguna Maalgalinayey, Dadkii magaalooyinka Soo Galay si loo Siiyo Xirfado iyo Tabaro ay Ku shaqaystaan, Mashruucaan oo ilaa hadda La la’yahay Meesha uu Maray Jaan iyo Cirib, Yaabka yaabkiis,

    Haddaba Shacabka Puntland maxaa u Dan ah, Wayna iska Cadahay Cidda dhacday ama Lunsatay, Kharashka Mashaariicdaas, Waa Madaxda Wasaaradda oo Si bareer u Lunsaday lacagtaan Maalaayiinta Dollar Gaaraysa

     

    “TALO SOOJEEDINTA BAARLAMAANKA PUNTLAND”

     

    Baarlamaanka Puntland, Waa Wajib Dastuuri ah, inay la Xisaabtamaan, Gollaha Xukuumadda kuwasoo lagu Hello ama Ku Kaca Musuq Maasuq, waa Waajib Dastuuri ah in Baarlamaanka La Xisaabtamaan Madaxda, Si looga hortago dib u dhac, loona gaaro Horamar Waara,

    Waxaan baarlamaanka puntland ugu baaqayaa inay yeeshaan kulan deg deg ah, loona yeero Wasiirka Deegaanka Puntland iyo Ku Xigeenadiisa, lagulana Xisaabtamo Mashaariicadda Malaayiinta Dollar ah kuwasoo la’ layahay ama la Lunsaday, Waxaan Baarlamaanka Puntland ka Codsanaynaa in Si hufan loola Xisaabtamo Wasaaradda,

     

    “TALO SOO JEEDINTA HANTI DHAWRKA GUUD EE PUNTLAND”

     

    Hanti dhawrka Guud ee puntland Waajibaadkiisa Koowaad Waa ilaalinta Hantida Puntland iyo la Xisaabtanka Madaxda Si looga hortago musuq maasuq iyo Lunsiga lacageed, hanti dhawrku wuxuu xaq u leeyahay inuu La Xisaabtamo Wasaaradda,

    Waa in Hanti dhawrka dib u Baaraan kharashaadkii malaayiinta ahaa ee la Lunsaday, Wakhti badan Ku Bixiyaan tagaana Wasaaradda Deegaanka puntland,

    Waxaan ugu baaqayaa hanti dhawrka puntland inuu arintaan isku hawlo Si dag Dag ahna Ugu soo Jawaabo Shacabka puntland,

     

    “TALO SOO JEEDINTA SHACABKA PUNTLAND”

     

    Shacabka puntland waa shacab hormar iyo Wanaag Jecel, iyadoo Nasiib Darro Madaxdii ay u igmadeen Inay U shaqeeyaan ay musuq Maasuqeen, Waxaan Shacabka puntland ugu Baaqayaa inay baaqyo ka soo Saaraan Mashaariiciddii la lunsaday ee dhawridda Deegaanka, Kuwasoo La Lunsaday, Laguna Masabitay Dadka Puntland,  waxaan Shacabka ugu baaqayaa, inay Ku baraarugaan Mashaariicdaas magacoodda lagu Lunsaday oo lagu dhacay,

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.