Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muuqaal:-Madaxweyne Dani oo qaabilay wafti ka socda UNSOM
    Somalia

    Muuqaal:-Madaxweyne Dani oo qaabilay wafti ka socda UNSOM

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 24, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 24 January 2019, wuxuu kulan la yeeshay madax ka socota Xaafiiskaa siyaasadda Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ee UNSOM Soomaaliya, weftigan ayaa waxaa hogaaminayey Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM Mr, Tariq Chaudhry.

    Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni howlaha baaxadda leh ee uu ka qabtay tan iyo markii la doortay.

    Sidoo kale Mr, Tariq ayaa hoosta ka xariiqay Horumarka iyo Ammaanka ka jira mandiqadda Puntland uu yahay mid muuqda oo taabagal ah, wuxuuna sheegay in ay ka goโ€™an tahay Qaramada Midoobey in ay taageerto dadaallada wanaagsan ee dhinacyada horumarka iyo siyaasadda.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay wafdiga Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM Soomaaliya in ay Puntland soo dhaweynayso shaqooyinkooda, wuxuuna balan qaaday in ay Puntland hormuud u tahay Soomaaliya oo horumar wanaagsan gaarta, ayna ka shaqeynayso midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Hayโ€™addaha Qaramada Midowbay ka hayaan gudaha Puntland, gaar ahaanna Hayโ€™adda UNSOM, isla markaana waxa uu saraakiisha xafiiskaasi kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/Puntlandeni/videos/2798136300411854/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.