Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muuqaal:-Madaxweyne Farmaajo oo ka gudoomay waraaqahoodii Aqoonsiga Danjirayaal cusub
    Somalia

    Muuqaal:-Madaxweyne Farmaajo oo ka gudoomay waraaqahoodii Aqoonsiga Danjirayaal cusub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2019Updated:January 22, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee ay dalalka Masar iyo Indonesia usoo magacaabeen Soomaaliya.

    Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Ibrahim oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo adkeeyay inuu ka shaqayn doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Masar sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ah ee ay la leedahay dalalka kale ee caalamka.

    Madaxweynaha ayaa Danjire Maxamed Ibraahim u rajeeyey inuu ku guulaysto gudashada xilka loo igmaday ee ku aaddan xoojinta iyo joogteynta xiriirka walaaltinnimo ee labada waddan.


    Dhanka kale, Danjiraha dalka Indonesia ee Soomaaliya Mudane Seohardjon Aastromihardo oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Joko Widodo.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhaweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loosoo igmadsy,hoos ka daawo muuqaalka

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/fOnOLjpfj6w
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.