Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muuqaal:-Madaxweyne Mustafe oo si weyn loogu soo dhaweeyay jigjiga
    Somalia

    Muuqaal:-Madaxweyne Mustafe oo si weyn loogu soo dhaweeyay jigjiga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 2, 2019Updated:February 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamuud Cagjar oo dib ugu laabtay magaalada Jigjiga ayaa faah faahin ka bixiyay khilaafkii siyaasadeed ee waayadii ugu danbeeyay ka jira deegaanka iyo ugu danbeyntii in la soo afjaray.

    ”Tan iyo wixii ka danbeeyay markii maamulkan cusub la yagleelay waxaa soo noq noqnayay cabaqabado sababay in nidaamku sidii la rabay uusan u socon, kala aragti duwanaasho la xiriirta dib sidii xisbiga loogu yagleelo lahaa baa jirtay, taasoo keentay in saxaafaddo siyaabo kala duwan uga hadasho, arrimahaa ayaa keenay in aan Addis Ababa tago, dhamaanba wixii qaladaad ah ee jirayna waan isku soo afgaranay oo waa la xaliyay” ayuu yiri Mustafe Cagjar.

    Wuxuu sheegay in arintaa ay ka faa’ideysteen shacabkad isku xiran oo ka tirsanaa maamulkii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar oo dacwado iyo eedeymo aan jirin u ka faafiyay mas’uuliyiinta deegaanka.‘’Dabcan khilaafka iyo rabashadihii ka dhacay deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga waxaa horseed u ahaa oo ka danbeeyay shabakad isku xiran oo ka hartay maamulkii uu hore uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar, oo hay’adda Amniga iyo xafiisyada ilaa heer federaal ka waday dacwado ka dhan ah mas’uuliyiinta cusub ee degaanka, iyaga oo ka baqaya oo diidan ayuu yiri in lagula xisaabtamo dacadiyadii ay u geysteen shacabka ku dhaqan deegaanka’’.

    Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in kooxdan shabakada ah ee isku xiran mar walba dhibsanayeen in la hergaliyo wax yaabaha ay dalbanayaan Shacabka ah ee Soomaalinimada, ku dhaqanka Diinta, Xoojinta halganka iyo ka hortaga Dulmiga oo ah ayuu yiri dhamaan wax –yaabaha ay doonayaan shacabka deegaanka.

    ‘’Waxaan ugu bishaareynayaan bulshada ku dhaqan dowlad deegaanka in ugu danbeyntii isku dayadii noocaas ah oo dhan si buuxda looga adkaaday oo la soo afjaray, wixii hadda ka danbeeyana shacabku uu filiyo isbadal dhab ah oo mid Amniga, siyaasadeed iyo hormarineedba leh uu deegaanka ka hergalayo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/IKehIIlGfvk
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.