Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muuqaalkii maanta iyo Madaxtooyada Muqdisho mudnaan buu lahaa!!!!
    Somalia

    Muuqaalkii maanta iyo Madaxtooyada Muqdisho mudnaan buu lahaa!!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xaqiiqdii waa i qiira galisay muuqaalkan,kaligayna mahan ee qof walba oo damiir wadaniyadeed ku jiro waa u hakanayaa gadaal ayuuna u istaagayaa,markuu arko muuqaaladan oo kale.

    Laba Madaxweyne oo Soomaliyeed oo midna xilkii ka dhamaaday mid kalana hada la doortay oo si xushmad iyo qadarin,farxad iyo maqaab dawladnimo leh isku salaamaya oo iskugu hanbalyaynaya guusha la gaaray waa waxaan caadi ahayn.

    Kaaga sii daranoo waxaa tixgalin gooniya leh dal 26-sano burbur uu ku jiray oo Madaxtooyadiisa ay ilaalinayaan ciidan shisheeye,isla markaana mararka qaar Gudaha madaxtooyadaas ay ka dhacaan weeraro qorshaysan in uu heerkan iyo maqaabkan muujiyo.

    Ogow shakhsi walba oo ilaahay abuurtay waxuun ayuu hagaajiyaa si walba oo uu u liito Culusow waxbuu ka tagay,waa qiraynaa taas maanta.

    Farmaajo ma taageersani umana arko Masuulkii mudnaa kursigaa markaan qiimeeyo awoodiisa hogaamineed iyo xiliga adag ee dalku ku jiro,balse waxaan leeyahay markale hanbalyo rabi talada haku solan siiyo.

    Soomaaliya ilaahay waxaan uga baryayaa in uu kor u qaado Qaranimadeeda maalin maalmaha kamid ahna uu gacanta u galiyo kii si dhab ah umadnaa oo halkii la hiigsanayay wax gaarsiiya.

    Muuqaalkan waa mid igu beeray farxad iyo in aan dib uga istaago mucaaradnimadaydii farmaajo saacado kooban oo aan soo gudbiyo guusha Qaranku gaaray iyo halka Somali taalo maanta.

    Waxaan rabi ka baryayaa markale Umada Somaliyed meel ay joogto in bogeeda burcad uu isku mariyo oo ay dib u midoobaan.

    Kursiga Dalka ugu sareeya waxa gaya Muwaadin walba oo Soomaaliya oo u qalma in uu Umadan hogaamiyo beeshuu rabo haka soo jeedee.

    Muqaalkan waa mid fariin cad u ah cadawga Qaranimada Soomaaliyeed,waana muhiim in niyad jabkiisaa lagu farxo.

    Caasimadaha soo dhisnaa 50-kii sano ee lasoo dhaafay ee Adis-ababa iyo Nairobi wax badan ma dheera muuqaalka aan ku aragnay maanta madaxtooyada soo kabanaysa ee muqdisho.

    Jibril Qoobey.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.