Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muuqaalkii maanta iyo Madaxtooyada Muqdisho mudnaan buu lahaa!!!!
    Somalia

    Muuqaalkii maanta iyo Madaxtooyada Muqdisho mudnaan buu lahaa!!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xaqiiqdii waa i qiira galisay muuqaalkan,kaligayna mahan ee qof walba oo damiir wadaniyadeed ku jiro waa u hakanayaa gadaal ayuuna u istaagayaa,markuu arko muuqaaladan oo kale.

    Laba Madaxweyne oo Soomaliyeed oo midna xilkii ka dhamaaday mid kalana hada la doortay oo si xushmad iyo qadarin,farxad iyo maqaab dawladnimo leh isku salaamaya oo iskugu hanbalyaynaya guusha la gaaray waa waxaan caadi ahayn.

    Kaaga sii daranoo waxaa tixgalin gooniya leh dal 26-sano burbur uu ku jiray oo Madaxtooyadiisa ay ilaalinayaan ciidan shisheeye,isla markaana mararka qaar Gudaha madaxtooyadaas ay ka dhacaan weeraro qorshaysan in uu heerkan iyo maqaabkan muujiyo.

    Ogow shakhsi walba oo ilaahay abuurtay waxuun ayuu hagaajiyaa si walba oo uu u liito Culusow waxbuu ka tagay,waa qiraynaa taas maanta.

    Farmaajo ma taageersani umana arko Masuulkii mudnaa kursigaa markaan qiimeeyo awoodiisa hogaamineed iyo xiliga adag ee dalku ku jiro,balse waxaan leeyahay markale hanbalyo rabi talada haku solan siiyo.

    Soomaaliya ilaahay waxaan uga baryayaa in uu kor u qaado Qaranimadeeda maalin maalmaha kamid ahna uu gacanta u galiyo kii si dhab ah umadnaa oo halkii la hiigsanayay wax gaarsiiya.

    Muuqaalkan waa mid igu beeray farxad iyo in aan dib uga istaago mucaaradnimadaydii farmaajo saacado kooban oo aan soo gudbiyo guusha Qaranku gaaray iyo halka Somali taalo maanta.

    Waxaan rabi ka baryayaa markale Umada Somaliyed meel ay joogto in bogeeda burcad uu isku mariyo oo ay dib u midoobaan.

    Kursiga Dalka ugu sareeya waxa gaya Muwaadin walba oo Soomaaliya oo u qalma in uu Umadan hogaamiyo beeshuu rabo haka soo jeedee.

    Muqaalkan waa mid fariin cad u ah cadawga Qaranimada Soomaaliyeed,waana muhiim in niyad jabkiisaa lagu farxo.

    Caasimadaha soo dhisnaa 50-kii sano ee lasoo dhaafay ee Adis-ababa iyo Nairobi wax badan ma dheera muuqaalka aan ku aragnay maanta madaxtooyada soo kabanaysa ee muqdisho.

    Jibril Qoobey.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.