Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu ka yiri Danjire.Cawad heshiisyada Xamse la galayo Kenya?
    Somalia

    Muxuu ka yiri Danjire.Cawad heshiisyada Xamse la galayo Kenya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 6, 2024Updated:May 6, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Heshiisyadan uu Xamse la galayo Kenya,ayaa sidaanoo kale Dowladii Farmaajo la saxiixatay.

    Balse ma fulin heshiisyadaas,waxaana loo aanaynayaa fulin la’aanta heshiisyadii hore khilaafkii labada Wadan dhexmaray, xiliyadii ay kala hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyata, kaas oo mar gaaray meeshiisii ugu saraysay.

    Danjire Cawad oo ahaa xiligii Dowladii Farmaajo Wasiir Arimo dibadeedkii saxiixay heshiisyadan uu haatan dib markale usaxiixayo Xamse,ayaa ka hadlay.

    ‘’Sanadihii la soo dhaafay, khilaafkii annaga iyo Kenya noo dhaxeeyay oo badda ku saabsanaa iyo arimo kale oo siyaasadeed oo xiriirkii annaga iyo Kenya xumeeyay, iyaduna waxa ay dibu dhac ku sameysay horumarkii laga gaari lahaa iskaashiga inoo dhaxeeya’’Ayuu yiri Wasiir hore Axmed Ciise Cawad.

    Kenya iyo Somaliya,ayaa xiriirkooda soo hagaagayay tan iyo markii Labadii Madaxweyne hore ee Dallalkaasi Xafiiska banneeyeen,yimaadeenna Xasan Shiikh Maxamuud iyo William Ruto, kuwaas oo dhawr jeer oo hore yeeshay kulamo fool ka fool ah oo lagu xoojinayay xiriirka labada wadan, oo dhaawaca ugu weyni uga yimid khilafkii xuduudda Badda ee markii dambe ay go’aanka ka gaaratay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dunida.

    Lama oga sida ay fuli doonaan heshiisyada la filayo in Kenya iyo Somaliya gaaraan, maadaama dhawr heshiis oo hore loo gaaray aanay waxba ka soo naasa caddaan.

     

    Heshiisyada Xamse lasoo saxiixanayo Kenya,ayaa kala ah….

    1-Heshiis dhinaca amniga ah, gaar ahaan mid khuseeya la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada

    2-Heshiis dhinaca ganacsiga ah, kaas oo Soomaaliya ay door bidayso in badalka qaadka Kenya u dhoofiso Somaliya,iyana badeecaddo kaluunku kamid yahay gayso suuqyada Kenya.

    3-Heshiis dhinaca Socdaalka ah, si gaara sidii loogu fududeyn lahaa muwaadiniinta labada wadan dal ku galka. Soomaaliya ayaa aad u daneyneysa in muwaadiniinteeda si fudud lagu siiyo dal ku galka Kenya.

    4-Heshiis Waxbarashada iyo Caafimaadka la xiriirra.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.