Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu ka yiri Danjire.Cawad heshiisyada Xamse la galayo Kenya?
    Somalia

    Muxuu ka yiri Danjire.Cawad heshiisyada Xamse la galayo Kenya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 6, 2024Updated:May 6, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Heshiisyadan uu Xamse la galayo Kenya,ayaa sidaanoo kale Dowladii Farmaajo la saxiixatay.

    Balse ma fulin heshiisyadaas,waxaana loo aanaynayaa fulin la’aanta heshiisyadii hore khilaafkii labada Wadan dhexmaray, xiliyadii ay kala hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyata, kaas oo mar gaaray meeshiisii ugu saraysay.

    Danjire Cawad oo ahaa xiligii Dowladii Farmaajo Wasiir Arimo dibadeedkii saxiixay heshiisyadan uu haatan dib markale usaxiixayo Xamse,ayaa ka hadlay.

    ‘’Sanadihii la soo dhaafay, khilaafkii annaga iyo Kenya noo dhaxeeyay oo badda ku saabsanaa iyo arimo kale oo siyaasadeed oo xiriirkii annaga iyo Kenya xumeeyay, iyaduna waxa ay dibu dhac ku sameysay horumarkii laga gaari lahaa iskaashiga inoo dhaxeeya’’Ayuu yiri Wasiir hore Axmed Ciise Cawad.

    Kenya iyo Somaliya,ayaa xiriirkooda soo hagaagayay tan iyo markii Labadii Madaxweyne hore ee Dallalkaasi Xafiiska banneeyeen,yimaadeenna Xasan Shiikh Maxamuud iyo William Ruto, kuwaas oo dhawr jeer oo hore yeeshay kulamo fool ka fool ah oo lagu xoojinayay xiriirka labada wadan, oo dhaawaca ugu weyni uga yimid khilafkii xuduudda Badda ee markii dambe ay go’aanka ka gaaratay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dunida.

    Lama oga sida ay fuli doonaan heshiisyada la filayo in Kenya iyo Somaliya gaaraan, maadaama dhawr heshiis oo hore loo gaaray aanay waxba ka soo naasa caddaan.

     

    Heshiisyada Xamse lasoo saxiixanayo Kenya,ayaa kala ah….

    1-Heshiis dhinaca amniga ah, gaar ahaan mid khuseeya la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada

    2-Heshiis dhinaca ganacsiga ah, kaas oo Soomaaliya ay door bidayso in badalka qaadka Kenya u dhoofiso Somaliya,iyana badeecaddo kaluunku kamid yahay gayso suuqyada Kenya.

    3-Heshiis dhinaca Socdaalka ah, si gaara sidii loogu fududeyn lahaa muwaadiniinta labada wadan dal ku galka. Soomaaliya ayaa aad u daneyneysa in muwaadiniinteeda si fudud lagu siiyo dal ku galka Kenya.

    4-Heshiis Waxbarashada iyo Caafimaadka la xiriirra.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.