Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu ka yiri dib udhiga kulanka Baarlamaanka C.C.Warsame?
    Somalia

    Muxuu ka yiri dib udhiga kulanka Baarlamaanka C.C.Warsame?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saaxiibbo badan ayaa i soo waydiiyey kulammada Baarlamaanka oo dib loo dhigay ilaa muddo aan la cayimin. Muddo kororsi billawgeed so maaha ayaan igu yiraahdeed. Waxaan ku iri xilligii uu dhammaan rabay muddo xileedkii dowladdii Carta lagu soo dhisay, madaxweyne C/Qaasim na uu maareyn waayey kala guurkii awood wareejintii, Raysal-Wasaarihiisii Xasan Abshir ayaa qeyb ka noqday shirkii Eldoret, waxaana shirka hagayey IGAD.

    Xiligii madaxweyne C/laahi Yuusuf (AUN) uu kari waayey maareeynta kala guurkii awood wareejinta, Raysal-Wasaare Nuur Cadde ayaa oggolaaday shirkii Jabuuti, Qarmada Midoobe ayaana shirka gacanta ku haysay.

    Markii uu madaxweyne Shariif maareyn kari waayey kala guurkii awood wareejinta Kampala ayaa la isla tegey, madaxa Raysal-Wasaare Farmaajo ayaa lagu heshiiyey, hawshii kala guurkana UN-ka ayaa la wareegay. Madaxa Farmaajo wuxuu keenay in muddo sanad la helo.

    Madaxweyne Xasan Shiikh tanaasul badan ayuu sameeyey, si kala guurka uu u maareeyo. Wuuna ku mahadsan yahay. Tanaasulkaas wuxuu ka badbaadiyey in dalka dibaddiisa la isla aado.

    Haddaba madaxweyne Farmaajo labo waddo midkood ayaa u furan;

    1- In uu tanaasul la yimaado, kartina u yeesho muddada yar ee harsan maareynta kala guurka awood wareejinta.

    2- Ama faragelin iyo in dalka dibaddiisa la tago u diyaar garoobo.

    Madaxweyne Yuusuf markii uu arkay in ay talo gacantiisa ka baxday, wuu xishooday oo si xarrago leh ayuu xilka uga degey, isagoo ay sanad u harsan tahay, laakiin madaxweyne C/qaasim hawl uu billawgeedii diiday ayuu dhammaadkeedii isagoo marti ah ka tartamay wixii ku dhacayna waa la ogaa.

    Raysal-Wasaare Khayre waxaa u furan in uu qayb ka noqdo kala guurka awood wereejinta, sidii Xasan Abshir iyo Nuur Cade, haddii uu isku dayo in uu muddo kordhinta qeyb ka noqdo sidii Farmaajo ha isku diyaariyo in madaxiisa lagu heshiinayo.

    Yaan waqti la iska lumin ee waayihii inna soo maray wax halaga barto. Ma jiraan Baarlamaan iyo Xukuumad kaligood muddo kororsi samayn kara.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.