Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Afrika Ee Danjiraha Maraykankan QM?
    Somalia

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Afrika Ee Danjiraha Maraykankan QM?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 23, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa toddobaadkan u safraysa dalalka Ghana, Mozambique iyo Kenya, si ay uga wada xaajoodaan horumarinta danaha ay wadaagaan iyo mudnaanta shir madaxeedkii hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Afrika ee dalka Maraykanka ka dhacay bishii December ee 2022.

    Socdaalkeeda ay ku tegeyso qaaradda Afrika ayaa qaadanaya inta u dhexeeya bisha January 25-keeda illaa 29-keeda, waxaana ay diiradda ku saari doontaa arrimaha amniga ee gobolka, haqab-beelka cuntada, arrimaha bini’aadanimada iyo taageerada Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu yaraynayo isbedelada cimilada, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka.

    Safarka Thomas-Greenfield ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xoghayaha Maaliyadda Janet Yellen ay socdaal ku joogto qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Senegal, Zambia iyo South Africa kaas oo qaadan doona illaa bisha January 28.

    Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Afrika u joogta inay dhidibada u sii aasto xidhiidhka dhaqaale ee Maraykanka iyo Afrika oo ay ku jiraan ballaadhinta ganacsiga iyo maalgashiga.

    Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ka badan 15 bilyan oo doolar oo ah ballanqaadyo ganacsi iyo maalgashi oo laba geesood ah, heshiisyo iyo iskaashiyo, intii uu socday shirkii Maraykanka iyo Afrika ee ka dhacay Washington bishii December.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.