Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu Maraykanku uga aamusay meel marinta Qaraarka…..
    Somalia

    Muxuu Maraykanku uga aamusay meel marinta Qaraarka…..

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 30, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maraykanku Laba Qodob dartood,ayuu uga aamusay taageerada qaraarkii K&B Somaliya looga bilaabayo hawlgal cusub oo Nabad ilaalin ah sida xogaha ugu danbeeyaa ay sheegayaan….

    1.In hufnaan badan oo Maamulka iyo Dhaqaalaha hawlgalka ku saabsan la helo.

    2.In Itoobiya ay sii joogto Somaliya kadib 31-December ee Sanadkan.

    Maraykanku,waxa uu qabaa Ciidanka Itoobiya Goobaha ay joogaan ilaa laga helayo Ciidan badala in aan la saarin,waxa uuna Villla Muqdisho kula dooday mahaysaan Ciidan Somaliyed oo buuxin kara boosaskooda?

    Xasan Shiikh laftigiisu ma danaynayo in Itoobiyaanka laga saaro hawlgallka,waxase uu rabaa in uu wax uga badasho kasii mid ahaanshaha hawlgalka.

    Sida xogaha lagu helayo Labada Qodob ee Maraykanku ku dhagay,waxaa lagu jiraa xalintooda…

    B.Waxaa la diyaarinayaa Warbixin ku saabsan Maamulka iyo Maaliyada hawlgalkan oo Midowga Afrika soo saarayo.

    T Waxaa la diyaarinayaa qorshe Midowga Afrika,Villa Muqdisho iyo Deeq bixiyayaashu isla qaataan oo Itoobiya loogu samaynayo wax loogu yeeri doono..(Qorshe bixineed mudaysan),kaasoo qaadan kara ilaa Sanad kale oo Sharciyad haysta.

    Maraykanku haatan,waxa uu bixiyay Sadex Bilood Dhaqaalaha ku baxaya hawlgalka oo ilaa Maarso 2025 ku eg, hadii uu ku qanci waayo warbixinta la sugayo ee hufnaanta hawlgalka,waxaa dhici karta Maamulka Trump ee xilka la wareegaya Janaayo in uu joojiyo maalgelinta oo idil.

    Isku soo wada duuboo Itoobiya,waxay ku guulaysatay 31-December in la gaaro,iyadoon aysan Ciidankeedu ka bixin Somaliya,isla markaana socon waayay go’aankii Villa Muqdisho.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.