Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu ula jeedaa Abiy”Gorgortan kama galayno Madax banaanida Itoobiya”
    Somalia

    Muxuu ula jeedaa Abiy”Gorgortan kama galayno Madax banaanida Itoobiya”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 8, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan gorgortan ka geli doonin madax banaanideeda.

    “Itoobiya weligeed cidna kuma soo duulin taariikhda, ka yeeli mayno qof ku xad-gudbo madaxbannaanidayada,” ayuu yiri Abiy Axmed.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij lagu xusayay maalinta dalkaasi.

    Hadalka hoggaamiyaha Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli ay sii kordhayaan xiisadda ka taagan gobolka.

    Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Abiy kuma uusan sheegin khudbadiisa arrimo ammaan la xiriira.

    “Ma taabaneyno dadka, laakiin haddii ay na taabtaan, waxaan caan ku nahay inaan ka jawaabno,” ayuu yiri Abiy isagoo khudbad jeedinayey.

    Ra’iisul Wasaaruha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Annaga Itoobiyaanka ah ma lihin wax rabitaan ah oo aan ku doonayno in aan dadka kale alaabtooda qaadanno oo aan dalna la dagaalno,” isaga oo ku celceliyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xaqiijinta madax-bannaanideeda dhinac kasta ah. ENA

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Itoobiya aysan weligeed wax colaad ah la gelin dalalka deriska la ah lixdii sano ee la soo dhaafay, isagoo ku micneeyay in nabadda iyo ammaanka dalalkan deriska ah ay si weyn uga qeyb qaadanayaan nabadda, amniga iyo horumarka ay Itoobiya leedahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.