Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MW Deni iyo Xisbiyada Siyaasada oo diiday in ay PL ka qabsoonto Doorasho Qof iyo Cod aan ahayn
    Somalia

    MW Deni iyo Xisbiyada Siyaasada oo diiday in ay PL ka qabsoonto Doorasho Qof iyo Cod aan ahayn

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 2, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 02 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday maanta ilaa iyo caawa ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

    Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca, Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.

    Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland waxay u mahadceliyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cidkasta oo door ka qaadanaysa doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa loogu baaqay cidkasta oo ka aragti duwan hanaanka şocda in albaabka wadahadalka u furanyahay.

    Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland, wuxuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni cod dheer ku sheegay in Dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Dowlada iyo Xisbiyada Siyaasadeed Puntland,waxay ku adkaysteen Doorasho Qof iyo Cod ah. pic.twitter.com/ZMsdEzXqBH

    — Jibril Qoobey (@jibril_qoobey) December 2, 2023

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.