Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nada Nadiim: Basaasadii Xisbullah ay ku dhex beertay Hayada Wardoonka ee Maraykanka CIA da. Qabtii 3-aad.
    Somalia

    Nada Nadiim: Basaasadii Xisbullah ay ku dhex beertay Hayada Wardoonka ee Maraykanka CIA da. Qabtii 3-aad.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 22, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xeerilaaliyaha guud ee Maraykanka oo markaas ahaa Istiifan Moorfi ayaa isaguna mar uu arrintan ka hadlay waxa uu yidhi, “Qadiyaddani waxa ay inoo sheegaysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in dib-u-eegis lagu sameeyo hannaanka ay hay’adaha sirdoonka iyo kuwa amnigu u qaataan shaqaalaha” Xeerilaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Ma jirto khatar ka weyn in qof shisheeye ahi uu dadaal u galo in uu jinsiyadda Maraykanka qaato, si uu uga hawlgalo hay’ad aad u xasaasi ah oo ka mid ah laamaha dawladda Maraykanka”

    Iyada oo sida aynu dib ka arki doonno, baadhitaannada arrintani ay caddeeyeen in Nada ay marka horeba ku guulaysatay in ay khiyaamo samaysay Maraykanka oo sifo aan sharci saxa ahayn ay ku heshay jinsiyadda Maraykanka, ayaa xeerilaaliyihii guud ee magaalada Dhetroyt ee gobalka Meshigan, Istiifan Moorkhi oo isagu masuul ka ahaa xiligaa dacwadda Nada, waxa uu yidhi, “Ma’ Jirto khatar amnigayaga kaga weyn in ruux shisheeye ahi uu ku guulaysto in uu been-abuur ku helo jinsiyadda Maraykan, kadibna uu shaqo ka helo hay’ado aad u khatar badan”

    Waraaqo intii dacwaddu socotay si qarsoodi ah looga helay maxkamadda dacwaddan qaadday aya sheegay in Nada ay dalka Maraykanka markii ugu horreysay ku soo gashay dal-ku-galka waxbarashada sannadkii 1989 iyada oo ka timid dalka Lubnaan.

    Laakiin dib uma ay noqon markii ay dhacday muddadii dal-ku-galka waxbarashadu u ogolaa joogitaanka Maraykanka.

    Balse si ay u hesho degenaanshiyaha Maraykanka ee ‘Green Card’ loo yaqaanno ayaa ay guur been ah guursatay nin Maraykan ah oo lagu magacaabo Kiris.

    Nada waxa ay shaqo mudalabnimo ka bilowday hudheelka La Shish Kabob qaybtiisa ku taallay magaalada ay deggenayd ee Dhetroyt.

    Hudheelkan oo ah laan ka tirsan hudheellada caanka ah ee sameeya cuntada Shish Kabaabka loo yaqaanno waxaa maamule ka ahayd Nada walaasheed, oo uu qabay Dalaal Khaliil Shaaheen oo ah ninka iska leh hudheellada La Shish Kabob.

    Shaaheen (Nada Dumaashigeed) ayaa bartilmaameed u noqday waaxda dembi baadhista Maraykanka ee FBI kadib markii ay ku tuhmeen in lacag malaayiin doolar ah oo uu hudheelladan ka faa’ido uu u xawilo hay’ad samofal oo uu leeyahay ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan.

    Sannadkii 2002 ayaa uu Shaaheen u safray dalka Lubnaan si uu uga qaybgalo xaflad qaadhaan ururin ahayd, waxa aanu hareer fadhiistay Maxamed Xuseen Fadlullaah oo ah Sheekh Marjac u ah Shiicada Lubnaan. Sannadkii 1983-kii qaraxii saldhiggii ciidamada badda ee Maraykanku ku lahaayeen magaalada Beyruut ee xarunta dalka Lubnaan kadib, ayaa uu Maraykanku Sheekh Fadlullaah ku daray liiska argagaxisada.

    Xafladdan labadii qof ee ugu mudnaa dadkii muhiimka ahaa ee ka khudbadeeyey waxa ay ahaayeen Shaaheen iyo Sheekh Fadlullaah.

    Intii xafladdu socotayna waxaa la arkayey labadan nin oo sheeko gaar ahi dhex maraysay. FBI oo daba socota baadhitaannada la xidhiidhay shakiga ay ka qaadeen xidhiidhka Shaaheen iyo Xisbullaah ayaa sababay in maalin maalmaha ka mid ah ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee FBI xoog ku galeen guriga Shaaheen. Baadhistii guriga waxyaabihii ay FBI ku soo heshay waxaa ka mid ahaa sawir weyn oo guriga yaallay.

    Waxa sawirkan ku wada jiray Shaaheen iyo xaaskiisa Alfeyt Al-Acwar oo ah gabadhii aynu hore u soo sheegnay in ay walaalo yihiin Nada. Lammaanahani markii ay sawirkan galayeen waxa ay hortaagnaayeen saldhig ciidan oo uu leeyahay Xisbullaah.

    Goobta saldhiggani ku yaallaana waxa ay u ekeyd jiidda hore ee ciidamada Xisbullaah kaga jireen dagaalkii Xisbiga iyo Israa’iil. Weliba Shaaheen iyo xaaskiisu waxa ay si gaar ah u hoostaagnaayeen calanka xisbiga ee Huruudda midabkiisu yahay.

    Baadhistankan ka hor oo ahayd sannadkii 2006 ayaa Alfeyt Al-Acwar lagu soo oogay dacwad lagu eedeeyey in aanay bixin cashuurihii runta ahaa ee ku waajibay.

    Markii maxkamadda la geeyeyna maba ay qarsan ee si buuxda ayaa ay uga hor qiratay garsoorka. Shaaheen oo odaygeeda ah, isna waxaa raadinayey garsoorka Maraykanka oo uu ugu eedaysnaa in uu argagaxiso xidhiidh la’ leeyahay.

    Laakiin waa ay ka waayeen gurigiisa iyo meheradihiisa gacansi, kadib ayaana ay maxkamaddu soo saartay warqad ay ku baafinayso. Sida ku cad dhukumantiyada baadhista ee FBI, Shaaheen waxa uu markan ku maqnaa dalalka Bariga dhexe.

    Si kastaba ha ahaato ee qareenkiisa oo maxkamadda hor yimid ayaa Shaaheen si adag uga difaacay eedahaya loo soo jeediyey iyo in uu wax xidhiidh ah la leeyahay argagaxiso.

    Halkaa ayaan ku joojin, lasoco Qaybta danbe iyo Xogta khataraha hareerahaga.

    Mubarak Ashkir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.