Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nairobi: Hoggaamiyaasha Somalia, Kenya iyo Ethopia oo ka Shiraya Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya.
    Somalia

    Nairobi: Hoggaamiyaasha Somalia, Kenya iyo Ethopia oo ka Shiraya Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    NAIROBI (IDIL NEWS)-Hoggaamiyayaasha Dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, ayaa lagu waddaa in uu goor-dhow u furmo kulan saddex geesood, kaas oo ka dhacaya Madaxtooyadda Kenya ee Magaalada Nairobi.

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Raโ€™iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa xalay gaaray Nairobi, kaddib markii shalay ay ku Shireen Addis Ababa.

    Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa looga hadlay xalinta khilaafka Dublamasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, Iyadoona uu garwadeen ka yahay Raโ€™iisulwasaaraha Itoobiya Mr. Abiy, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay dadaalo ka waday Geeska Africa.

    Kulankan saddex geesoodka ayaa waxaa bar bar socon doona kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaasoo looga hadlayo sidii caadi loogu soo celin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

    Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya ka sokow in laga hadlayo xiriirka diblomaasiyadeed waxaa wehliya arrinta muranka badda ee labada dal u dhaxeyso, iyadoo Kenya ay dooneyso in arrinta Badda wada hadal laga galo.

    Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Nairobi ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay ku sheegay in aan arrinta badda ee dacwadeeda taal Maxkamadda ICJ aan wax gorgortan iyo wada hadal toona laga galeyn.

    Dadka odorasa arrimaha Soomaaliya ayaa dhaliilay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Kenya, iyadoo horay u eriday Safiirka Soomaaliya, isla markaana Kenya oo ka masโ€™uul aheyd xiriirka xumaaday uu dalkeeda ugu tago, waxaa taa bedelkeed siyaasiyiinta tilmaameen in wada hadalada uu ka dhaco dal saddexaad.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.