Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Natanyahu oo weli ka dhaga adaygaya Saxiixa heshiiska Nabada
    Somalia

    Natanyahu oo weli ka dhaga adaygaya Saxiixa heshiiska Nabada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 22, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadi shalay khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul-wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, oo uu kala hadlay in si deg deg ah loo helo xabbad-joojin ka hirgasha Gaza, isla markaana la sii daayo la heystayaasha.

    Hase yeeshee, Israa’iil iyo Xamaas,ayaa wali ku sii adkeysanaya Mowqifyadooda ay ka kala taagan yihiin wadahadallada muddada afarta bil socday ee ay dhex-dhexaadiyaasha caalamiga ah ku rabaan in lagu joojiyo colaadda Qasa.

    Wadahadallada khadka Telefoonka ee Labada hogaamiye, oo sidoo kale ay goob joog aheyd madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris,ayaa yimid waxyar kaddib marki ay saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta sheegeen in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Isra’il Qasa ku dishay ilaa 50 Falastiiniyiin ah.

    Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ee magaaladan Washington ayaa lagu sheegay, in Biden uu ku nuux-nuuxsaday una sheegay Netanyahu dedejinta heshiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha, wuxuu sidoo kale kala hadlay wadahadallada loo ballan sanyahay in ay ka dhacaan Qahiro ee lagu rabo in lagu dhameeyo caqabadaha hor taagan xababad-joojinta.

    Dhex-dhexaadiyaal ka kala socda Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa lagu wadaa in dhammaadka todobaadkan ay ku kulmaan caasimadda Masar, si isugu dayaan in ay meel dhexe isugu keenaan dhinacyada dagaallamaya.

    XIGASH9:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.