Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Natanyahu oo weli ka dhaga adaygaya Saxiixa heshiiska Nabada
    Somalia

    Natanyahu oo weli ka dhaga adaygaya Saxiixa heshiiska Nabada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 22, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadi shalay khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul-wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, oo uu kala hadlay in si deg deg ah loo helo xabbad-joojin ka hirgasha Gaza, isla markaana la sii daayo la heystayaasha.

    Hase yeeshee, Israa’iil iyo Xamaas,ayaa wali ku sii adkeysanaya Mowqifyadooda ay ka kala taagan yihiin wadahadallada muddada afarta bil socday ee ay dhex-dhexaadiyaasha caalamiga ah ku rabaan in lagu joojiyo colaadda Qasa.

    Wadahadallada khadka Telefoonka ee Labada hogaamiye, oo sidoo kale ay goob joog aheyd madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris,ayaa yimid waxyar kaddib marki ay saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta sheegeen in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Isra’il Qasa ku dishay ilaa 50 Falastiiniyiin ah.

    Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ee magaaladan Washington ayaa lagu sheegay, in Biden uu ku nuux-nuuxsaday una sheegay Netanyahu dedejinta heshiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha, wuxuu sidoo kale kala hadlay wadahadallada loo ballan sanyahay in ay ka dhacaan Qahiro ee lagu rabo in lagu dhameeyo caqabadaha hor taagan xababad-joojinta.

    Dhex-dhexaadiyaal ka kala socda Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa lagu wadaa in dhammaadka todobaadkan ay ku kulmaan caasimadda Masar, si isugu dayaan in ay meel dhexe isugu keenaan dhinacyada dagaallamaya.

    XIGASH9:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.