Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nawas Shariif oo ay ubadan tahay in uu noqdo Ra’isalwasaaraha Pakistaan
    Somalia

    Nawas Shariif oo ay ubadan tahay in uu noqdo Ra’isalwasaaraha Pakistaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 15, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xisbiga Ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan, Nawas Sharif iyo xulufadiisa siyaasadda ayaa xalay ku dhawaaqay in ay soo dhisi doonaan dowlad wadaag ah, tallaabadaas oo soo afjari karta hubanti la’aanti ka jirtay mustaqbalka siyaasadda Pakistan.

    Pakistan ayaa todobaadki hore u muuqatay in ay cagaha gelisay dariiq hubanti la’aan siyaasad ah, kaddib marki uu xisbina ku guuleysan waayay doorashadi baarlamaaniga aheyd ee dalkaasi ka dhacday.

    Hase yeeshee kaddib kulamo xiriir ahaa oo ay magaalada caasimadda ah ee Islamabad ku yeesheen xisbiyada mucaaradka ku ah ra’isulwsaarihi hore Imran Khan ee hadda xabsiga ku jira, ayay kasoo saareen go’aanka qaabeynta dowladda cusub ee wadaagga ah.

    Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxa xisbiga Pakistan People’s Party ahan ra’isulwasaare hore Asif Ali Zardari iyo hogaamiyaha xisbiga Pakistan Muslim League Nawaz Sharif iyo walaalkiis Shehbaz Sharif, oo ra’isulwasaare kumeel gaar ah dalkaasi ka noqday kaddib marki xilka laga xayuubiyay Khan sannadki 2022-ki.

    Zardari iyo Sharif, labaduba shirkoodii jaraa’id ee Arbacadi kuma aysan sheegin qof noqon doona ra’isulwasaaraha, hase yeeshee waxaa aad loogu badinayaa inuu Nawaz Sherif noqon doono ra’isulwasaarha cusub ee Pakistan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.