Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nayrobi oo laga badalayo Caasimada Wadanka Kenya
    Somalia

    Nayrobi oo laga badalayo Caasimada Wadanka Kenya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 14, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ruto,waxa uu saxiixay in Caasimada Kenya laga raro Nayrobi.

    Caasimada,ayaa loo rarayaa Nakuro oo ah Magaalo Barwaaqo ah oo qurux badan,isla markaana dhisan,waxaana dega 70% Kuukuuyo iyo 30% oo ah Qabiilka MW Ruto.

    Sababta loo rarayo,ayaa lagu sheegay mashquulka faraha badan ee Nayrobi saaran.

    Dadka Kenya oo gaaraya 55-Milyan,ayaa 7-Milyan oo ka mid ah,waxay ku nool yihiin Nayrobi.

    Nakuru,waxaa laga dhisayaa Garoon Diyaaradeed oo cusub,Madaxtooyo iyo Xarumaha hay’adaha Maamulka.

    Shaqaalaha,Wasaaradaha iyo dhamaan hay’adaha Dowlada Kenya,ayaa guuraya.

    Qaraarkan Maanta,ayuu saxiixay MW Ruto,waxaase la qiyaasayaa in ay qaadan doonto rarida Caasimada ilaa 10-Sano.

    Si dhab ah marka loo dul istaago Kenya uma baahna Caasimad cusub oo Nayrobi,waa lagu Shaqayn karaa,kamana badna Dadka Dowlada u Shaqeeya 100-kun oo Qof.

    In Caasimad la raro,waxaa ku baxa Balaayiin Dolar oo aysan Kenya hada awoodin,isla markaana keeni doonta in Dalku galo Dayn cusub oo culays kusii noqon doonta.

    Kenya,waa Wadanka kaliya ee MW kasta oo yimaada hindiso Mashruuc Lacag badan ku kacaya oo uu ka sameeyo Dhaqaale,balse aan ahayn Dan Qaran oo loo baahalnaa.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.