Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Netanyahu oo kala diray Golihii Dagaalka Ee Israa’iil
    Somalia

    Netanyahu oo kala diray Golihii Dagaalka Ee Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 17, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray Golihii Wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.

    Talaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka.

    Talaabada uu maanta qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu u maareeyay dagaalka.

    Maqnaanshaha Gantz ayaa ka dhigtay Netanyahu inuu ku tiirsanaado xulafadiisa xagjirka ah, siu u xukunka usii wado, waxaana kala dirida Golaha Wasiirada ee dagaalka ay hoosta ka xariiqaysaa in isbedel uu socdo iyadoo Israel ay sii wado dagaalka sideedda bilood ka badan socda ee Gaza.

    Saraakiishan, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira in aan loo ogolayn in ay warbaahinta kala hadlaan isbadalka dhacay, ayaa sheegay in hadda kadib Netanyahu uu madal kooban oo ka mid ah xubnaha dowladdiisa kala hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee ku hareereysan dagaalka Gaza.

    Waxaa kuwaas ka mid ah golaha amniga, halkaasi oo xulufadiisa midigta fog ee ka soo horjeeda heshiis xabad-joojoin, islamarkaana taageersan in dib loo qabsado Gaza, ay xubno ka yihiin.

    Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa la dhisay maalmo kadib bilowgii dagaalka Gaza, markii Gantz oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee siyaasadda dhexe uu ku biiray xulufada, si loo muujiyo midnimo kadib weerarkii ay Xamas ku qaaday Israel 7-dii October.

    Gantz ayaa dalbaday gole kooban oo yar in ay hagaan dagaalka, isaga oo isku dayaya inuu dhinac u riixo xubnaha midigta-fog ee dowladda Netanyahu.

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.