Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Netanyahu oo noqday hogaamiyihii ugu horeeyay Ee lagu casumo Aqalka-Cad
    Somalia

    Netanyahu oo noqday hogaamiyihii ugu horeeyay Ee lagu casumo Aqalka-Cad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2025Updated:January 29, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu casuumay Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump 4-ta Febraayo, sida uu Talaadadii shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel.

    “Ra’iisul Wasaare Netanyahu waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee lagu casuumo Aqalka Cad xilliga labaad ee Madaxweyne Trump,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah.

    Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in casuumaad rasmi ah loo fidiyay Netanyahu si uu kulanka ugu yimaado “horraanta toddobaadka soo socda.”

    “Faahfaahinta taariikhda iyo waqtiga kulanka waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka la dhammeystiro,” ayuu yiri mas’uulka.

    Kulanka Trump iyo Netanyahu ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Mareykanka uu marar badan ku faanay doorkiisa ku aaddan xabad-joojinta Israel iyo Xamaas ee Gaza, taas oo la gaaray kaddib bilo wadahadallo aan midho dhalin.

    Markii heshiiska xabad-joojinta uu dhaqan galay, Trump wuxuu xoojiyay qorshe uu ku sheegay “in lagu nadiifinayo” Marinka Gaza, isagoo ku baaqay in Falastiiniyiintu u guuraan dalalka deriska la ah sida Masar iyo Urdun.

    Qorshahan ayaa si adag looga hor yimid, gaar ahaan dowladaha Masar, Urdun iyo qaar ka mid ah dowladaha Yurub oo si cad u diiday arrintan.

    Xiriirka Trump iyo Netanyahu
    Xilligii uu xafiiska joogay muddo xileedkiisa koowaad, Trump wuxuu si joogto ah u sheegayey in Israel “aanay weligeed helin saaxiib uga wanaagsan Aqalka Cad,” aragtidan oo uu Netanyahu marar badan ku celceliyay.

    Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Trump iyo Netanyahu ayaa si kooban u xumaaday markii hoggaamiyaha Israel uu ugu hambalyeeyay Joe Biden guushii uu ka gaaray doorashadii 2020.

    Trump, oo sheegay inuu ku guuleystay doorashada 2020, ayaa Netanyahu ku eedeeyay khiyaano, sida ay xilligaas weriyeen warbaahin kala duwan.

    Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa markii uu dib ugu laabtay xafiiska, waxaa lagu warramay inuu durba uu ansixiyay shixnad bambooyin miisaankoodu yahay 2,000 oo pound midkiiba, kuwaas oo horey ay xukuumaddii Biden u hakisay in la geeyo Israel.

    Netanyahu ayaa si weyn u ammaanay Trump, isagoo sheegay in Mareykanku siiyay Israel “qalabkii ay isku difaaci lahayd.”.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.