Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Netanyahu oo noqday hogaamiyihii ugu horeeyay Ee lagu casumo Aqalka-Cad
    Somalia

    Netanyahu oo noqday hogaamiyihii ugu horeeyay Ee lagu casumo Aqalka-Cad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2025Updated:January 29, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu casuumay Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump 4-ta Febraayo, sida uu Talaadadii shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel.

    “Ra’iisul Wasaare Netanyahu waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee lagu casuumo Aqalka Cad xilliga labaad ee Madaxweyne Trump,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah.

    Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in casuumaad rasmi ah loo fidiyay Netanyahu si uu kulanka ugu yimaado “horraanta toddobaadka soo socda.”

    “Faahfaahinta taariikhda iyo waqtiga kulanka waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka la dhammeystiro,” ayuu yiri mas’uulka.

    Kulanka Trump iyo Netanyahu ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Mareykanka uu marar badan ku faanay doorkiisa ku aaddan xabad-joojinta Israel iyo Xamaas ee Gaza, taas oo la gaaray kaddib bilo wadahadallo aan midho dhalin.

    Markii heshiiska xabad-joojinta uu dhaqan galay, Trump wuxuu xoojiyay qorshe uu ku sheegay “in lagu nadiifinayo” Marinka Gaza, isagoo ku baaqay in Falastiiniyiintu u guuraan dalalka deriska la ah sida Masar iyo Urdun.

    Qorshahan ayaa si adag looga hor yimid, gaar ahaan dowladaha Masar, Urdun iyo qaar ka mid ah dowladaha Yurub oo si cad u diiday arrintan.

    Xiriirka Trump iyo Netanyahu
    Xilligii uu xafiiska joogay muddo xileedkiisa koowaad, Trump wuxuu si joogto ah u sheegayey in Israel “aanay weligeed helin saaxiib uga wanaagsan Aqalka Cad,” aragtidan oo uu Netanyahu marar badan ku celceliyay.

    Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Trump iyo Netanyahu ayaa si kooban u xumaaday markii hoggaamiyaha Israel uu ugu hambalyeeyay Joe Biden guushii uu ka gaaray doorashadii 2020.

    Trump, oo sheegay inuu ku guuleystay doorashada 2020, ayaa Netanyahu ku eedeeyay khiyaano, sida ay xilligaas weriyeen warbaahin kala duwan.

    Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa markii uu dib ugu laabtay xafiiska, waxaa lagu warramay inuu durba uu ansixiyay shixnad bambooyin miisaankoodu yahay 2,000 oo pound midkiiba, kuwaas oo horey ay xukuumaddii Biden u hakisay in la geeyo Israel.

    Netanyahu ayaa si weyn u ammaanay Trump, isagoo sheegay in Mareykanku siiyay Israel “qalabkii ay isku difaaci lahayd.”.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.