Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nicolas Berlanga: DFS yaysan Coronavirus ku noqon Suxufiyiinta
    Somalia

    Nicolas Berlanga: DFS yaysan Coronavirus ku noqon Suxufiyiinta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 21, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa Dowladda  Soomaaliya uga  dhigey in Wariyeyaasha kuwa Bulshada u  soo gudbiya xaaladaha taagan aysan xal uga dhigin xarig ama caburin.

    Qoraal uu Safiirka soo dhigay Bartiisa Twitter-ka kadib kulan dhex-maray Wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu ku sheegay in hadallada Cambaareynta we Wariyeyaasha ay yihiin qeyb kamid ah hanaanka dimuqraadiyadda.

    “Cambaareynta waa qeyb ka mid ah hannaanka dimuqraadiyadda. Xadaynta Xoriyadda Hadalku ma noqon karo musiibo kale. Haddii saxafiyiintu dayacaan macluumaadka, xabsi ama xiritaanku xal ma ahan”

    Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyey caburinta Saxaafadda,waxaana ay horay u xirtay Wariyeyaal ay kamid ahaayeen Cali Aadan Muumin,Cabdi Casiis Gurbiye iyo kuwo kale,waxaana sidoo kale hadda in ka badan 45 Cisho xiran Wariye Maxamed Cabdi Wahaab Nuur Abuuja iyo Wariye Muqtaar Maxamed Catoosh oo u xiran Maamulka Koonfur Galbeed halka horay Hay’adda NISA ay farriin hanjabaad ah  Baraha Internet-ka u marisay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda Voa-da kuna sugan Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.