Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»NISA oo amar adag dul-dhigtay Shacabka ku nool Guriceel.
    Somalia

    NISA oo amar adag dul-dhigtay Shacabka ku nool Guriceel.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Hay’adda Nabadsugida degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu soo saarey amar ku socda dadka siyaabaha kala duwan u iibsanaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

    Amarkaan oo uu soo saarey taliyaha NISA ee Guriceel Maxamed Gaanyaco ayaa lagu sheegay in dhamaan dadka kala iibsanaya Gaadiidka ay kusoo wargeliyaan laamaha Amniga gaar ahaan NISA si looga hortago fulinta falal amniga lidi Ku ah oo gaadiidka loo adeegsado.

    Sidoo kale, Amarkaan ayaa saameynaya qofka Gaadiidka iibsanaya iyo kan laga iibinaya intaba, waxaana la sheegay in cidii amarkaan u hoggaansami weysa tallaabo Sharci ah laga qaadi doono.

    “Dhamaan gaadiidka lakala iibsanayo guddaha guriceel ayaa la amrayaa in ay soo ogeysiiyaan laamaha Amniga gaar ahaan Taliska Nabadsugida si looga hortago fulinta falal amniga lidi ku ah oo gaadiidka loo adeegsado , iibsadaha iyo qofka laga iibinayo waa in ay warqada kala wareejinta ka qaataan Taliska NISA ee Guriceel ayaa lagu yiri”Warka Taliska NISA ee Guriceel.

    Si kastaba degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolka Galgaduud,waxaana muddo badan gacanta ku haayey Ciidamada Ahlusunna balse lagu wareejiyey kuwa dowladda Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.