Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»NISA oo amar adag dul-dhigtay Shacabka ku nool Guriceel.
    Somalia

    NISA oo amar adag dul-dhigtay Shacabka ku nool Guriceel.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Hay’adda Nabadsugida degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu soo saarey amar ku socda dadka siyaabaha kala duwan u iibsanaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

    Amarkaan oo uu soo saarey taliyaha NISA ee Guriceel Maxamed Gaanyaco ayaa lagu sheegay in dhamaan dadka kala iibsanaya Gaadiidka ay kusoo wargeliyaan laamaha Amniga gaar ahaan NISA si looga hortago fulinta falal amniga lidi Ku ah oo gaadiidka loo adeegsado.

    Sidoo kale, Amarkaan ayaa saameynaya qofka Gaadiidka iibsanaya iyo kan laga iibinaya intaba, waxaana la sheegay in cidii amarkaan u hoggaansami weysa tallaabo Sharci ah laga qaadi doono.

    β€œDhamaan gaadiidka lakala iibsanayo guddaha guriceel ayaa la amrayaa in ay soo ogeysiiyaan laamaha Amniga gaar ahaan Taliska Nabadsugida si looga hortago fulinta falal amniga lidi ku ah oo gaadiidka loo adeegsado , iibsadaha iyo qofka laga iibinayo waa in ay warqada kala wareejinta ka qaataan Taliska NISA ee Guriceel ayaa lagu yiri”Warka Taliska NISA ee Guriceel.

    Si kastaba degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolka Galgaduud,waxaana muddo badan gacanta ku haayey Ciidamada Ahlusunna balse lagu wareejiyey kuwa dowladda Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.