Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nugaal- In ka badan 1,000 qoys oo ka faa’iidaystay biyo-xireen laga dhisay tuulada Salaxley
    Somalia

    Nugaal- In ka badan 1,000 qoys oo ka faa’iidaystay biyo-xireen laga dhisay tuulada Salaxley

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 7, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Roobkii gu’ga ee curtay horaantii bishii la soo dhaafay ayaa biyo-geliyay biyo-qabatin ama (xurfo) kaydinaysa 120,000 oo fuusto oo laga dhisay tuulada Saxley ee gobolka Nugaal.

    Ilaa 500 oo qoys oo xoolo dhaqato oo ku nool tuulada ayaa ku diirsaday biyaha galay Xurfodan ku dhextaalo dooxada Salaxley oo 12 km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Garowe.

    Waxaa sidoo kale u soo hayaamay dooxadaan 600 oo qoys oo kale oo ka kala yimaada deegaanada Awr-culus, Reemati, Abaareey iyo Yoombays oo u jira 50 km iyo wax ka badan. 

    Biyo-qabatinkan ayaa ah kii labaad ee ku yaala deegaanka ayay dowladdu daah-furtay bishii May ee sanadkan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay wasiirka deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada ee Puntland, Ismacil Diiriye Gama’diid.

    “Qorshahaygani ee hadda aan ahmiyadda saaraynaa waxaa weeyaan in biyaha roobka aan ka faa’iidaysano.Intii aanu xiri karno aan xirno. Mashaariicdayada oo dhan iyo hay’adaha aan la shaqayno, waxaan hadda u siinay muhiimada koowaad in aan biyaha xirno,” ayuu yiri Ismacil oo intaas raaciyay in dowladda Puntland ay dhamaystiri doonto10 goobood oo ay ka hirgeliyeen biyo-xireeno iyo xurfooyin noocaan ah

    Biyo-qabatinkan ayaa ku fadhiya dhul-dhererkiisu yahay boqol mitir iyo siddeetan mitir oo balac ah, wuxuuna hoos u qodan yahay afar mitir.

    Wuxuu awood u leeyahay in uusan biyaha dhimin maadama uu ku samaysan tiyuub la le’eg kaysiiyay xurfada.

    Daynabo ku tiirsan soolar ayaa loo adeegsanayaa si biyaha looga soo saaro, deedna loogu shubo meelaha loogu talagalay in ay xooluhu ka cabaan.

    Maxamed Axmed Garow oo ka mid ah xoola-dhaqatada deegaanka xubinna ka ah guddiga maamulaya xurfadan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in deegaanku uu ku tiirsanaa biyo laga soo dhaamiyo magaaklada Garowe.

    Maxamed ayaa tilmaamay in nolasha qoyskiisa oo ka kooban 7 qof ay ahmiyad weyn ugu fadhiyaan biyahan.

    “Marka jiilaalku adkaado 50 km oo tuulada rabaable ah baa biyo noogu sokaysa. Waxaa ka jiray deegaanka horta ceel ma leh. Baraagay leedahay baraaguhuna waa haan waa dhamaanayaan. Ileen baraaguhuba waa jabaane hadii ay sidaas ku badbaado (oo aysan dhibi ku iman) noloshayada aad iyo aad bay wax uga bedelaysaa,” ayuu yiri Maxamed.

    Yusuf Maxamuud oo bartay culuumta deegaanka ayaa sheegaaya in biyo-qabatinada noocaan oo kale ah ay qayb ka yihiin hababka waa weyn ee wax looga qabto isbedelka cimilada isla markaasna ay yaraynayaan baahida biyaha ee badanaa xoola-dhaqatada haysata.

    “Waxyaabahan biyo-xireenada iyo xurfooyinka, iyaga waxaa loo yaqaan adaptation. Iyaga waxaa loogu talagalay maadama isbedel cimilo uu dhacay, in dadkii laga khafiifiyo dhibtii soo gaartay, si abaarta dadku aysan u dareemin oo dhibtii lala qaybsado,” ayuu yiri.

    Saddexdii sano ee ugu dambeeyay hay’adaha sida UNDP iyo WFP, Bankiga aduunka iyo Midowga Yurub ayaa dowladda Punland ka caawiyay in ka badan labaatan biyo-xireeno iyo xurfooyin laga sameeyaan gobolada Bari, Mudug, Nugaal, Karkaar iyo Sanaag.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.