Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wargeyska Ny Times oo shaaca ka qaaday in Qatar ay ka dambeyso Weerarada ka dhaca Boosaaso (Warbixin)
    Somalia

    Wargeyska Ny Times oo shaaca ka qaaday in Qatar ay ka dambeyso Weerarada ka dhaca Boosaaso (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 23, 2019Updated:July 23, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ganacsade u dhashay dalka Qatar oo saaxib dhow la ah Amiirka Qadar ayaa la dhagaystay taleefan uu kula hadlay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegaya weerar qarax ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ay ka dambeeyeen maleeshiyaad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaaraadka uu ka cararo magaalada Boosaaso.

    Wargeyska The New York Times ayaa daabacay in ay dhagaysteen sheekada dhex martay ganacsade Qatari ah iyo safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya.

    “Bambooyinka iyo dilalka waan ognahay kuwa ka dambeeya,”ayuu ganacsade Khalifa Kayed al-Muhanadi yiri 18kii May ee sanadkan toddobaad kadib qaraxa ka dhacay Boosaaso.

    Ganacsadaha ayaa intaasi raaciyay in khalalaasaha uu ahaa mid loogu talogalay in dadka ka jooga Imaaraadka Carabta ay magaalada Boosaaso ka cararaan oo aysan dib dambe u cusbooneysiin qandaraasyada ay ku joogaan Dekeda Boosaaso.

    “Ha ka saaraan Imaaraadiyiinta meesha, oo aysan cusbooneysiin qandaraasyada anigana waxaa keeni lahaa qandaraasyada halkan Doxa.”ayuu sii raaciyay ganacsadahan oo la hadlayay safiirka Qatar ee Soomaaliya.

    Haddii ay arrintan sax tahay waxa ay banaanka soo dhigeysaa tartanka u dhexeeya dalalka Khaliijka, ayna sii holcinayaan dhibaatooyinka ka jira geeska afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

    Markii wax laga weydiiyay ganacsade al-Muhanadi iyo dowlada Qatar sheekadan ayaysan ka hor iman balse xukuumada Qatar ayaa ku dooday in Muhanadi uu yahay qof rayid ah oo aan ka tirsanayn dowlada Qatar.

    Hase yeeshee wada sheekeysiga ganacsadaha iyo safiirka ayaan safiirku marnaba muujin inuu diidan yahay in door ay ku yeelato dowlada Qatar qaraxyada ka dhacay Boosaaso.

    “Oo ma sidaas baa weerarada in lagu eryo iyaga.”ayuu safiirka Qatar Hassan bin Hamza Hashem ugu jawaabay ganacsade al-Muhanadi.

    “Saaxibadeen ayaa ka dambeeyay qaraxyadii ugu dambeeyay,”ayuu Mr. al-Muhanadi u xaqiijiyay safiirka.

    Ganacsade al-Muhanadi ayaa aad ugu dhow Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani. Waxaana la hayaa sawiro labadooda oo isla jooga sida ay sheegtay hay’ad sirdoon ah Mr al-Muhanadi waxa uu la safraa Amiirka.

    Sida wargeyska uu daabacay haddii ay qaraxyada Boosaaso ahayd in Imaaraadka loogaga saaro Boosaaso waxaa shaki galaya in weerarkii bishii Febraayo lagu diley Madaxii Dekeda Boosaaso oo ay maamusho Imaaraadka.

    Bishii Febraayo ee sanadkan labo nin hubeysan oo isu ekeysiiyay Kalluumeysato ayaa toogasho ku dilay Maamulihii Shirkadda maamusha Dekeda Boosaaso ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, iyadoo dhaawac saddex qof oo kale oo shaqaale ah

    Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana Afhayeen u hadlay uu sheegay in dhowr jeer oo hore ay u digeen shirkadaha ajnabiga ah ee heysta Dekedaha.

    Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa muuqday loolan iyo xifaaltan ka dhexeeya dowladaha Imaaraadka Iyo Qadar iyagoo ku tartamaya inay awood ku yeeshaan dalka Soomaaliya.

    Sanadkii 2017 dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageeraan Kooxaha Argagixisada, hase ahaatee Qatar waa beenisay eedeyntaas, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ay xayiraado iyo cunaqabateyn ku soo rogeen dalka yar ee Qatar.

    Dowladda Soomaaliya oo horay u sheegtay inay mowqif dhex dhexaadnimo ka qaadatay khilaafka Khaliijka ayaa loo arkaa inay weli u xaglineyso dhanka Qatar oo ay taageero dhaqaale iyo mid milateri ka hesho, waxaana bishii April ee sanadkii 2018 Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen lacag gaareysay 9.8 milyan oo dollar, lacagtaasoo ay keentay diyaarad laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxaa Saraakiisha Imaaraadka ku sheegeen in lacagtaas aheyd mushaarka Ciidamo iyo saraakiisha ay ku tababaraan Xerada Imaaraadka ku lahaa Muqdisho, waxaana xilligaas Imaaraadka joojiyeen taageeradii Ciidamada, kaddib markii ay ka caroodeen qaabkii loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaradooda, laguna wareegay lacagihii ay wateen, taasoo ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah diblomaasiyadda Caalamiga ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.