Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Obama iyo Xaaskiisa oo taageeray Musharaxnimada Kamala Harris
    Somalia

    Obama iyo Xaaskiisa oo taageeray Musharaxnimada Kamala Harris

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 26, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ku taageeray Kamala Harris doonisteeda Aqalka Cad, taasi oo siisay madaxweyne ku-xigeenka taageerada la filayo balse weli muhiimka ah ee labada qof ee ugu caansan xisbiga Dimoqraadiga.

    Taageerada ayaa subaxnimadii Jimcaha lagu shaaciyey muuqaal muujinaya Harris oo aqbaleysa telefon ay u soo direen Barack iyo Michelle Obama, xilli ay dhiseyso dardarta ay ku noqoneyso musharraxa xisbigeeda.

    Tani waxay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Axaddii ku dhowaaqay inuu ka haray isku daygiisa dib u doorasho, kuna dhowaaqay inuu taageerayo in ku-xigeenkiisa ay la tartanto musharraxa Jamhuuriga Donald Trump.

    “Waxaan u wacay in aan ku dhaho, aniga iyo Michelle ma jirto wax nooga farxad badan in aan ku taageerno oo aan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan kaaga caawino doorashadan oo aad u gasho Xafiiska Oval,” madaxwaynihii hore ayaa sidaas u sheegay Harris, oo muuqaal lagu muujiyey iyada oo qabaneysa taleefonka.

    Michelle Obama ayaa iyana tiri “Kuma soo wici laheyn aniga aan ku dhaheyn, gabadheyda Kamala, aad ayaan kuugu faanaa.”

    “Tani waxay noqon doontaa taariikh,” ayey ku dartay.

    Harris, oo aqoon u laheyd labada Obama ka hor tan iyo doorashadoodii 2008, ayaa uga mahad celisay saaxiibtinimadooda, waxayna sheegtay inay rajaynayso inay “halkaas gaarto, oo ay waddada hayso” ayna kala qeyb galaan saddex bil oo olole doorasho ah, ka hor 5-ta November.

    Sida ay shaacisay wakaaladda wararka AP, Harris ayaa horey u xaqiijisay taageerada ergo ku filan kahor Shirweyaha Qaran ee Dimoqraadiga oo 19-ka August ka dhacaya Chicago.

    Guddiga Qaran ee Dimoqraadiga ayaa qaban doonaa codeyn hab fogaan arag ah taasi oo la filayo in ka hor 7-da August ay xaqiijiso in Harris ay noqoto musharraxa rasmiga ah ee Xisbiga.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.