Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Oday iyo Ooridiisa.WQ.Gobaad Cumar Guuleed
    Somalia

    Oday iyo Ooridiisa.WQ.Gobaad Cumar Guuleed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waa waayada ka mid ah ayaa oday iyo ooridiisa goob miyi oo buur dhakadeed ah oo durdur weyn uu hoos maro ku noolaa oo deggennaa. Carruur, xoolo nool oo dabjoog ah iyo hanti kaleba gaadhi-dameer oo qudha ayay ka haysteen. Dharaar walba odayga ayaa gaadhi-dameerkiisa caws ku daabuli jirey si suuqa magaalada u dhow uu ugu iibgeeyo. Maalin kasta laba jeer ayay durdurka, isaga iyo gaadhi-dameerka, soo gooyaan oo sii gooyaan. Dabadeed wixii lacag ah oo uu halkaa ka helana wuxuu ku soo iibsan jirey cad iyo caano iyo hadba wixii reerku kolkaa u baahanyahay.

     

    Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga iyo gaadhi-dameerkii mar qudha durdurkii ku wada quusay. Dameerkii iyo isagiiba ka badbaade, hayeeshee gaadhigiisii biyaha ayaa la tegey. Halkii ayuu dabadeed baroor la fadhiistay. Calaacalaha ayuu wartay oo gacmaha kor u taagay oo Waaqiisii baryay.

    “Eebbow, waad la socotaa xaaladdayda! Eebbow, inaan sabool gablan ah ahay oo xoolo gaadhigaa ka haysto waad ogtahay! Eebbow, ii gargaar oo gaadhiga durdurka iiga soo saar, Adiga ayaa awoodee!”

     

    Kolkiiba samada waxaa ka soo dhacay gaadhi dushiisu dahab ku rasaysanyahay. Cod samada ka yeedhey ayaa ku yidhi: “Ma gaadhigaagii baa?”

    Wuxuu yidhi: “Maya, Eebbe!”

    Kol labaad samada waxaa ka soo dhacay gaadhi dushiisu dheeman ku rasaysantahay. Cod samada ka yeedhey ayaa misana ku yidhi: “Ma gaadhigaagii baa?”

    Wuxuu yidhi: “Maya, Eebbe!”

    Kol saddexaad samada waxaa ka soo dhacay gaadhigiisii oo aan waxba qabinnin oo cawskii wali sidiisii u qallalanyahay. Cod samada ka yeedhey ayaa misana ku yidhi: “Ma gaadhigaagii baa?”

    Wuxuu yidhi: “Haa, Eebbe!”

    “Haddaba saddexda isku wada qaado!” Waaq ayaa ku amar siiyey.

    Bartii ayuu ka tegey oo wixii Alle siiyey kobtii ka gurtay. Wuxuu noqday nin hanti ku filan heley ilaa inta uu noolyahay. Hawshii badnayd ayuu iska daayay.

     

    Maalin maalmaha ka mid ah, isaga iyo marwadiisii oo wada socda oo durdurkii soo gooynaya, ayaa haweeyneydiisii durdurkii la tegey.

    Af labadii ayuu yeedhey: ”Eebbow, xaaskaygii oo aannu dhowr iyo kontonka sannadood is-qabnay ii badbaadi oo imminka ii soo celi!”

    Kolkiiba cirka waxaa ka yimid gabadh jaah iyo joog qurux badan leh oo labaatan jir ah. Cod samada ka yeedhey ayaa ku yidhi: “Ma afadaadii baa?”

    Wuxuu yidhi: “Haa, Eebbe!”

    “Beenlow baad tahay. Maxaa kugu kallifay inaad beenta intaa le’eg sheegtid?” Waaq baa canaantay.

    Odaygii wuxuu yidhi: “Waan dembaabaye, Waaqow, i cafi! Waxaan u haystay in tirada ilaa saddex jeer aad wadi doontid, dabadeedna aad hablaha dhammaantood iskukay wada siin doontid.”

     

    Gobaad Cumar Guuleed

    London, 05.12.2016

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.