Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Odayaasha Beelaha Galmudug oo ku qulqulaya Gaalkacyo, kaddib baaqii Madaxweyne Xaaf
    Somalia

    Odayaasha Beelaha Galmudug oo ku qulqulaya Gaalkacyo, kaddib baaqii Madaxweyne Xaaf

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 11, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergooyin ka socda qaar kamid ah beellaha degaanada Galmudug ayaa ayaa ku qulqulaya Magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu kaga dhawaaqay dhismaha Xukuumadda cusub ee Galmudug.

    Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka degaanada Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray Koonfurta Gaalkacyo, kuwaas oo kasoo horjeestay xildhibaanadii shalay looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb.

    Qaar ka mid ah Guddiga doorashooyinka Galmudug ee dhanka Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan Shaqooyinka loo igmaday, waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn Xildhibaanada looga dhawaaqay Dhuusamareeb.

    Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay taallo gogol lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay, islamarkaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hareer-martay dhismaha Galmudug.

    Khilaafka ka taagan dhismaha Galmudug ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay kaddib markii la badalay qaar ka mid ah Odayaashii Saxiixayeyaasha Galmudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.